Gumaysi kasta oo aduunka soo maray waxa uu
iska racsan yahay ixtiraam la'aanta iyo
bahdilka joogtada ah uu kula dhaqmo dadka u
adeega iyo jaajuusiinta, inkasta oo
gumaysigu uu ogyahay in adeegihiisu uu
fulinayo dantiisa hadana mar walba waxaan u
cad in shakhsi dadkiisii cadaw ku ah uu
yahay shakhsi aad uxun.
Xukuumaddii Mangistu Xayle Maryan iyo tii
kasii horaysay ee Xayle Salaase marka
labarbar dhigo Tan Tigreega,qaab dhaqanka
adeegayaashooda iyo jaajuusiinta way ku kala
duwanaayeen.
Hadaan marka qaab dhaqanka ukala qaadno
labadan qaybood:-
- Qaabka
ay ula dhaqmaan cidda maamulka ah
- Qaabka
ay ula dhaqmaan shakhsiyaadka adeegaha
ah
Qaabka ay ula
dhaqman Shakhsiga adeegaha u ah
- Ninka
Adeegaha u ahaa waxaa jiray sad ama
mushaar fiican oo ruuxa marar badan ka
dhigi jiray in uu shaqadiisa
ilaashanayo,laakiin adeegayaasha
Tigreegu waa dadka ugu nolosha xun,oo
shakhsigu mahelo wax mushaar iyo gunno
ah midna, waxaa mar-mar lagu hawl
galiyaa raashinka caawimada ah ee
dadwaynaha oo dhowr kiish laga
siiyaa,waana shakhsi ruuxa arkaayi uu
garan in uuyahay ruux nolosha ku dhintay.
- Ninka
adeegaha u ahaa waxa uu askarta iyo
Axmaarada dhexdeeda kulahaa ixtiraam
badan,oo waxaaba laga yaabaa in
saraakiisha dawladda uu kuyeesho
saaxiibo badan oo reerkiisa iyo
qaraabadiisaba yaqaana,been kasta oo uu
ciidanka usheegana lagulama dagaalami
jirin ee si walba oo uu yahay waa lagu
rabay,kuwani kama helaan wax ixtiraam ah
haba yaraatee,waxaana loola dhaqmaa sida
ayga oo kale,maalinka in uu hawl qabto
laga rabo waa loo yeedhaa,markaasaa loo
balan qaadaa in lasiin doono dhowr
kiish,sidaas daraadeed uu shaqadaas soo
fuliyo,hadii ninkaasi uu been sheegana
waxa uu la kulmayaa ciqaab adag,dadka
hortiisa ayayna ku fadeexadeeyaan.
- Ninku
adeegaha ahaa waxa uu ku hawlgali jiray
qalab ay dawladdu leedahay,wuxuun
aaminaad ahna way ku qabeen
Axmaaradu,laakiin kuwani waxaa lagu
adeejiyaayi waa qoryohoodii,sahayda la
wataana waa toodii oo majiro wax xaga
Tigreega kayimid oo gacantooda gala.
- Ninka
adeegaya ahaa isaga ayaa dadka xidhi
jiray,haduu damcana soo dayn jiray isaga
ayaana ahaa,ninka inta badan ahaa
maxkamadda ruuxa dil iyo daynba ku
xukunta,laakiin Tigreegu ninku dadka uu
isagu jaajuusay ee lasoo xidhay haduu
isku dayo in uu soo daayo,oo uu
layimaado hadal kii lagu xidhay
shakhsiga ka duwan isaga ayaa lafihiisa
halis ah,arintaas awgeed ayaa nin adeege
ka ahaa magaalada Dhagaxbuur waxa uu
kuyidhi jawaasiistii kale "Nimanyohow
dadka hadaynaan soo dayn Karin yaynaan
xidhxidhin"
Qaabka ay ula
dhaqman qolyaha maamulka ah
Xukuumadihii hore shakhsiga maamulka ugu
magacaaban meel sida,gudoomiye
Degmo,gobol,tuulo iyo cid kasta oo meel
maamul lagu ogyahay waxa ay lahayn xoogaa
xaqdhowr ah oo sida in wuxuun wax laga
waydiiyo dadka iyo dhulka uu xukumo,oo isaga
amarkiisa la'aantii aan waxba laqabanin.
Hadaba xukuumadda Tigreegu inkasta oo
ladhihi karo wali waa jabhad oo dhaqankii
jabhadnimada ee jaajuuska necbaa ay
wataan,hadana nooca ay ula dhaqmaa shakhsiga
maamulka ah aad buu uqaab daran yahay
waxaana kamid ah:-
-
Shakhsiga maamulka ahi majirto inna wax
awood ah uu uleeyahay maamulkiisa,hadii
uu hawl fuliyo ninka maamulka ahi,oo
uusan lasoconin shakhsigii Tigreega ahaa
ee lahaa go'aanka waxa hawshaas laqabtay
ay dambi kutahay shakhsigii maamulka
ahaa,waxaana qasab ku ah cid kasta oo
maamul u ah Tigreega in ayna qaadin
talaabo aan ka imaanin ama ayna Ogaanin
Tigreegu.
-
Askariga Tigreega ee dablaha ahi waxa uu
leeyahay awoodd uu madaxwaynaha ismaamul
kusheegga uu ku garaaco ama uu sida uu
doono kayeelo
-
Shakhsi maamul ahi malaha awood uu qofna
ku damiinan karo,kusoo dayn karo,xataa
uu kusoo booqan karo.
Hadaba
akhristoow marar badan ayaa waxaan
saxaafadda ka maqalnaa in madaxwaynihii
Kilika xilkii looga eryay sonkor uu kutagay
ama taageero uu siiyay nabad-diidka,inkasta
oo muddo 15 sano ah lasheego in ay Kililka
soo mareen 9 madaxwayne,waxaa aqliga fayoobi
iswaydiin karaa:-
- Maxay
tani ku dhacday?
- Raggan
oo dhani miyay wadi waayeel
maamulka,mise sonkor bay wada dhunsadeen?
-
Dhamaantood ma xidhiidhbay lawada
yeesheen jabhadda ONLF?
Su'aalahan
iyo kuwo kale oo badan oo dadka Ogaadeenya
iyo caalamkuma iswaydiiyo ma aha arintu waxa
ay Itoobiya kasheegto saxaafadda,inkasta oo
ragani ay yihiin kuwa door biday in ay u
adeegaan cadawga hadana in ay ceeb dhex
istaagaan way ku qasban yihiin,waayo waxaa
qasab ku ah in uu wax xumeeyo,oo markaas
lagu eedeeyo,shakhsiga maamulka kililka
kamid ah ee hawshii loo dhiibay si wacan
uguta ma sii waaro oo waxaa lagu eedeeyaa in
uu kamid yahay shuftada.
Nin kamid ahaa maamulka Kililka ayaa waxa uu
ii sheegay in nin maamul ah lacag loogu
dhiibay in uu iskuul kasoo dhiso degmada
Awbarre ee Gobolka Jigjiga,hase aheetee
lacagtii loo dhiibay 30% ayaa ku filnaatay
dhisidda iskuulkii loo diray,waxa uuna
kunoqday jigjiga.
Hase ahaatee ninkii markii uu ka warbixiyay
waxqabadkiisii ee uu miiska soo dhigay
lacagtii soo hadhay,bartii ayaa shaqadii
lagaga qaaday,gaadhigiina lagaga
dhigay,waxaana markiiba lagu wareejiyay nin
kale,oo shaqadii loo magacaabay,looma
sheegin waxa uu eeday,inkasta oo qolyaha
shaqaha ka qaaday ayna ahayn Tigree hadana
waxay fulinayeen shuruucda ay Tigreegu
raalliga ka yihiin ee ah in mudaanta uu
leeyahay ninka lacag cunka badan ee
waxqabadka yar.
Tigreegu waxa ay xoogga saaraan horumarinta
musuqmaasuqa iyo in cid walba ay cunto
lacagta gacanteeda soo gasha,waxa kale oo
jira ninka laga dhigo madaxwaynaha wakhti
yar kadib waxa ay Tigreegu usameeyaan
mucaarad iyo qolyo ku eedeeya wixii la isla
wada ogaa ee musuqmasuqa ahaa,markaas ayay
Tigreeguna aad usii buunbuniyaan illaa marka
dambe xilka laga qaado ninkii oo loo dhiibo
mid ay sugayso tii hore oo kale.
Midda kale waxaa kale oo ay Tigreegu
sameeyaan waxa ay aad ubadiyaan in isha
ninka mamulka ahi ay mar walba qabato ninka
Tigreega ah si uu mar walba maskasdiisa uu
culays usaarnaado.
Wada hadalkii udheexeeyay dawladda Tigreegu
ku adeegto ee Soomaaliya iyo xoogaga akasoo
horjeeda 4 tii June 2008 ayaa waxaa shirka
soo fadhiistay safiirka Itoobiya ufadhiya
Jabuuti,hadaba sababta meesha keentay
safiiska Itoobiya ayaa waxaan ku macnayn
karnaa maadaama labada dhinac ee isku haya
siyaasada Soomaaliya ay yihiin
Soomaali,hadii ay isku kaliyaystaan waxaa
dhici kara isutanaasul,khaastan ergada
dawladdu hadii ay ishoodu qaban waydo
Tigreega waxaa laga yaabaa in ay is
dabciyaan.
Si hadaba ayna taasi udhicin oo qolada
dawladda matalaysaa ay unoqdaan "Hal libaax
arkaysaayi ma godlato" ayay lama huraan
utahay in Tigreegu goob joog ka ahaadan
wadahadal kasta,shirarkii faraha badnaa ee
Soomaalida ee soo fashilmi jirayna waxaa
sabab u ahaa qolyaha siyaasada isku haya ee
hadana Itoobiya saaxiibada lawada ahaa oo
mar kasta ishoodu qabanaysay ama ka baqayay
Tigreega.
Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com
June 7, 2008 |