|
Jan 30,
2008 Ururka isku xidhka Dhalinyarada
Ogadenya(Ogaden Youth Network) ee Gobolka
Minnesota ayaa maalintii Sabtida ee Jan 26
isugu yimid kulan ay yeesheen goobta madasha
shiraraka ee loo yaqano Sabatheni Community
Center ee Magaalada Minneapolis, shirkan oo
ahaa mid si heer sara ah ay u soo agaasimeen
Ururka isku xidhka Dhalinyarada Ogadenya (O.Y.N)
ee Gobolka Minnesota ayay si gaar ah ugu
casuumeen dhalinyarada u dhalatay
Ogadenya.
Shirkan oo ay si aad ah uga soo xaadireen
dhalintii lagu casuumay ayaa waxaa lagu soo
bandhigey;
-
Abaabulka
Bulshada (outreach)
-
Saxaafada
iyo sida loo soo jiidan karo ( Media
attention)
-
Ka
qaybqadashada siyasada (Political
Participation)
-
Doorka
dhalinyarada ay ku ledahay Halganka
Ogadenya (Role of the Ogaden youth In
the struggle)
Warbixinadii
ay dhalinyaradaasi halkas ka soo jeediyeen
ayaa ahaa kuwo si qoda dheer oo cilmiyaysan
loo soo diyaariyey.
Dhinaca kale, Simanaarada ayaa aha kuwo si
aad ah looga soo shaqeyay dhalinyaradiina ay
si wayn uga faaiidaysteen, Siminarada ayaa
loo kala saarey in xubnuhu si koox-koox ah
uga doodaan afarta qodob ee kor ku xusan.
Siminaarada oo ayagu inta badan ayna
dhalinyaradu helin ayaa mar aan waxa ka
waydiiyay dhalinyaradii nasiibka u yeeshay
ay ii sheegeen inay ahay fursad dahabi ah oo
mudan in laga faaiidaysto.
Sidoo kale, waxay dhalinyaradu halkaas ku
soo bandhigeen sugaan halgameed, waxaana
maalintaas abaal marin jalkaas lagu siiyey
Gabadh da'yar oo maalintaas halkaas ka
muujisay suugaan qiio gelisay ka soo qayb
galayaashii kulankaas.
Xubno badan ayaa halkaas ku saxiixay in ay
xubno ka noqdaan Ururka Isku Xidhka
Dahlinyarada Ogadeniya (Ogaden Youth Network
O.Y.N) una guntanayaan garab istagida
halganka muqadaska ah ee shacabka Ogadeniya
ugu jiro aayokatashigiisa.
Maamulka (O.Y.N) ayaa iayguna dhinacooda
balan qaadey in ay bil kasta shirar joogta
ah u diyaarin doonaan dhalinyarada Ogadenya,
arintan oo dhamaan dhalinyaradu si wada jir
ah u soo dhaweeyeen.
Mohamed Darba wayne,
Minneapolis, MN.
|