Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com


Qaylo dhaan Abaaharaha Ogaadeenya

Sept 24, 2008
Ogaden European Youth league
wuxuu Fariin  qaylo dhaan ah u dirayaa dhamaan  Hayadaha Caalamiga ah, kuwa  maxaliga, NGOyada  iyo dhamaan kuwa u ola olaleeya  xuquuqda aadanaha in  Somalida Ogaadeenya ay dhibaato bini aadam nimo tii ugu xumey ee soo marta waayadan ay ka jirto isla markaasna ay qarka u saaran yihiin in ka badan 4.7 miljan oo qof in ay ku quudh baxaan hadaan  gar gaar dag dag ah lala gaarin.

Dhibaatadan biniaadam nimo oo ka dhalatay kadib markii ay xukumada  Itoobiya saaray dadka cunaqabatayn daran oo dhamaan ganacsigoodii ay joojisay, wadooyinkiina ay ka wada xidhay iyo iyada oo mudo ka badan 3 sano uusan wax roob ahi ka da'in dalka, iyadoo dadka meeshaas dagan ay yihiin dad intooda badan xoolo dhaqato ah noloshooduna ay ku tiirsan tahay xoolaha iyo beeraha ay fashaan.

John Holms oo ah madaxa Gar gaarka bani aadamnimo ee QM  iyo Jonathan Rugman(http://www.channel4 .com/news/ articles/ politics/ international_ politics/ nomads+blame+ ethiopian+ )oo ah wariye ka socda chanal 4 ka England ayaa  labaduba  cadeeyay in dhibaatada ka jirta Ogaden ay tahay mid aad u daran isla markaasna  dadkaasi ay yihiin kuwo fooda u saaran in ay u dhamaadaan.

Hadaba anagoo ku celineyna ayan markale waxaan dhamaan hayadahas iyo waliba dhamaan wadamada walaalaha muslimka ah ka codsaneynaa in ayla soo gaaraan kaalmo dag dag ah dumarkaas iyo caruurta  yar  yar eeku nool Ogaadeenya.

Ogaden European Youth League (OEYL)
ogadenyl@gmail.com

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.