Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Ururka codka nabad raadinta Ogadenia oo socdaal shaqo ku tagey Magaalada Washington, DC


June 11, 2008 Ururka codka nabad-radinta Ogadenia (OVP) ayaa hawlgal taariikhi ah  socdayna muddo 6 maalmood kuna salaysnaa baadigoobka xaqa aayo ka tashi ee gobolka Ogaden & u ololeynta xuquuqda bulshada ku nool gobolkaa kaga soo noqday caasimadda dalka maraykanka Washington DC.

Madaxda ururka OVP  ayaa waxay  kulamo saacado badan qaatay kula yeesheen aqalka cad ee dalka maraykanka agaasimaha guddiga arimaha Afrika & khuburo sare oo ka mid ah la taliye-yaasha arimaha siyaasadda dibadda. Waxay madaxdaasi dhagaysteen warbixinadii uu waday ururku.

Waxay sidoo kale codka nabad-raadinta Ogaden ay madaxda wasaaradda arimaha dibadda (State Department)  la yeeseen laba kulan oo midina ku qotomay xal u helidda khilaafka siyaasi ee ka taagan gobolka Ogaden & ku tacaddiga nolosha bulshada gobolkaa ku dhaqan. OVP waxay guddoonsiisay Mas’uuliinta wasaaradda arimaha dibadda u qaabilsan arimaha xuquuqda aadanaha  war buuxa oo ku saabsan shicibka siyaasad marmarsiiyood lagu xidhay jeelasha xoogagga milatari ee Ethiopia iyo dhibka dadka xidhan haysata.  Waxay sidoo kale madaxda OVP soo bandhigeen qaar ka mid ah sawirada gabdhaha & wiilasha ay jidh dileen milatarigu mayd ahaantana uga tageen.

Qureec sharaf lagu martiqaaday qaar ka mid ah ururada & hay’aadka bulshada rayidka ah ayna soo qabanqaabisay xidhiidhka qaybta khaarijiga iyo difaaca (Foreign Relations & Defense Policy) ayey OVP sidoo kale fursad u yeelatay inay bandhig qoto dheer ka samayso, taxanaha taariikheed ee gobolka Ogaden & xaaladaha cakiran ee ka aloosan maanta.

Senatorska gobolada ay ka midka yihiin Minesoto & California ayaa waxay kulan xafiiskooda kula yeesheen ururka, waxayna ka dhagaysteen  dhambaalkii uu ururku ka waday bulshada Ogadenia waxay sidoo kale ka guddoomeen diiwaanka magacyada & muuqaalkii ay ka sideen tacaddiga xuquuqda soomalida ku nool gobolka Ogaden.

Guddiga sharci dejinta & maktabadda aqalka cad u qaabilsan cilmi badhista & daraasaynta siyaasadda geeska Afrika ayaa iyaguna shir socday muddo laba saac ah la yeeshay ururka OVP. Hawl-wadeenada guddigan oo xilal kala duwan ka soo qabtay geeska Afrika ayaa iyagu ahaa kuwo ka dharagsanaa dhibaatooyinka lagu hayo bulshada Ogadenia. Sidaa darted waxay rungta kaydkooda ku darsadeen diiwaanka & sawirada dhibka iyo burburka yaala Ogadenia, waxay sidoo kale wada shaqayn joogto ah la yeelan doonaan ururka OVP.

Gabagabadii go’aamada  hawlgalkii & ololihii codka nabad raadinta Ogadenia ay kala yimaaddeen madaxdaas ayaa waxaa ugu muhimsnaa:_

  1. Fiiro gaar ah & caawinimo la siiyo qaxootiga reer Ogadenia ee ku sugan Jabuuti, Kenya iyo Somalia, si looga badh qabto burburka nololeed ee kala soo gudboonaaday xaaladda ka jirta Ogadenia.
     

  2. Guddi xaq dhawr ah (International Committee of the Red Cross) in sida ugu degdegga badan loogu diro xabsiyada lagu hayo muwaaddiniinta aan waxba galabsan.
     

  3. In Dawlada in Kongresska Mareykanku uunan u saxeexin caawinimo Militari oo dawlada Ethiopia lagu gacan siinayo
     

  4. Ka hortagiid gummaadka aan kala joogsiga lahayn ee ka jira  dhulka Ogaden.

  5. Xal u helid khilaafka siyaasi ee qaddiyadda Ogaden.
     

  6. Wada shaqayn joogto ah oo dhex mari doonta Codka nabad raadinta Ogaden & Hay’aadka ay kulamadu dhex mareen.   Waxay madaxda OVP dhankooda ka balanqaadeen inay si joogto ah u soo gudbin doonana xogta dhata ah ee ka jirta gayiga  ogaden.

--Ogaden Online News





 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.