Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shirwaynihii Ururka dhalinta Ogadenia ee yurub oo London lagu soo gabagabeeyay

Feb 25, 2008 Maalinimadii Sabtida ee ay taariikhdu ahayd Feb 23, 2008 ayaa waxaa magaalada London ee wadanka Uk ka furmay shirwaynihii 1aad ee ay yeeshaan dhalinta reer Ogadenia ee Yurub. Shirwaynahan oo baryahanba laga dhursugayay ayaa Sabtidii 3 galabnimo ka furmay magaalada London ee wadanka Uk.

Shirkaaas oo aad looga dareemayay dhaqdhaqaaqiisa wadanka UK ee martigaliyay shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wufuud fara badan oo ka kala timid Yurubta kale sida Danmark, Finland, Swizerland, Sweden, Norway, Germaney iyo France

Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qaybgaley Madax sarsare oo ka tirsan JWXO & marti sharaf kale oo ka kala timid aduun waynaha kale.

Hadaba furitaankii shirka kadib, ayaa waxaa madasha lagu soo dhaweeyay oo khadka Telefonkka lagu xiriiriyay Gudoomiyaha JWXO Add; Mohamed Omar Osman, oo halkaas ka soo jeediyay warbixin dheer oo isugu jirta xaalada ka taagan Ogadenia & bogaadin uu u soo jeediyay dhalainta Yurub doorka ay ciyaarayso.

Gudoomiyaha ayaa aad ugu nuux nuuxsaday sida ay lagama maarmanka u tahay in la helo urur dhalinyaro oo Yurub iksu xira & baahida loo qabo urur mideeyay dhalinyartaas.

Gudoomiyaha oo ay hadaladiisa ka dhadhamayeen sida uu ugu faraxsanyahay sayaa talooyin badan u soo jeediay dhalinta goobta timid, isagoo ku gubaabiyay inay kaalin muuqata ka qaataaan halganka xaqa ah ee lagu baadi goobaya aayaha shacbiga Somalida Ogadenia ee duudsamay.

Dhalintii madasha shirka joogtay ayaa si aada ula dhacay khudbada gudoomiyaha, isla markaana balan qaaday inuu shirkani noqdo mid midha dhala.

Shirkan ayaa waxaa warbixino kala duwan oo dhamaantood ka hadlaya waxqabadkii Ururka OSf ka soo jeediyey Gudoomiyaha Ururuka.

Waxaa isna halkaas ka hadley Musafe Xasan (Cagaweyne) oo ka warbixiyey dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Ogadeniya, isaga oo sheegay in uu dhibaatooyin badan markhaati ka ahaa. Sidoo kale waxaa shirka warbixin ka soo jeediyey Kawsar Osman Bedel, Maxamed Faarax Good iyo Mustafe Xuseen (Daacad) oo ka mid ah dhalinyarada OSF. Xubnahaas ayaa aad ugu nuux-nuuxsadey xaalada bani'aadamnimo ee ka jirta Ogadeniya, iyagoo warbixintooda u badneyd maqal iyo muuqaal aad u soo jiitey ka soo qaybgalayaashii shirka.

Waxaa xusid mudan in marka Kawsar Osman Bedel warbixinta akhrineysay la arkayey dad badan oo ilmaynaya, iyadoo jawiga shirku isu bedelay mid murugo leh.

Dhanka kale waxaa isna meesha ka hadlay Hogaanka warfaafinta JWXO Halgame Axmed Yassin Abdi oo si faahfaahfsan uga waramay dhibaatada Geeska Africa ka taagan & horumarka halgankanka Ogadeniya sameeyey. Sidoo kale, Mudane Axmed Yassin wuxuu ka warbixiyay in ururka maanta lagu dhawaaqayaa uu yahay mid kadhashay oo loogu wanqalayo dhiigii N/hurayaasha qaaliga ah & shacbiga geesiga ah ee keena diidka ah. Axmed Yasin ayaa si farxad leh ugu mahadceliyay dhalinta, isagoo kula taliyay inay kobtaas kasii wadaan hawlaha, isla markaana aqoonsadaana inay yihiin kuwa ay sugayaan shacbiga Ogadenia ee gumaysigu daashaday.

Shirkan ayaa waxaa iyaguna ka hadley aqoonyahano u dhashey Ogadeniya kuwaas oo dhamaantood hadalkooda ku bilaabey sida ay u garabtaanyihiin dhalinta is xilqaantey, ugunaq faraxsanyihiin dadaalka iyo horumarka ay wadaan.

Gebogabadii shirka ayaa waxaa halkaas Shahaado sharaf lagu gundoonsiiyey xubno ka mid ah Jaaliyada Oadeniya,  kuwaas oo ay Ururka Dhalinyaradu u qireen in ay yihiin kuwo kaalin lixaadleh ka qaatey jiritaanka iyo horumarka Ururka Dhalinyarada. Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ahaa Fanaanka weynee Maxamuud Axmed Cumar (Jango) iyo Xaliimo Abdi (Gabood).

Halkaas oo uu shahaadad gudoonsiiyay Hoggaanka warfaafinta Jwxo Axmed yasin abdi,
Gudoomiyaha ururka OSF Hassan Iraad & Gudoomiyaha ururka Hoyooyinka Ogadenia
Marwo Rooza Abdirahmaan

Shirkan ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay ciyaaro hidiyo dhaqanka ah oo ay soo bandhigeen dhalinta OSF & Fanaanka caanka ah Halgame Jaangoo & fanaanka dad yar halgame C/raxmaan

:::::Daawo Sawirada Shirka

Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.