|
Dec 10,
2007 Ururada Dhalinyarada Geeska Afrika
ayaa maalintii Axada ee Dec 10, 2007 ku
shirey Magaalada London ee cariga Ingiriiska.
Ururadan oo ay ku bahoobeen Ururka Ardeyda
ee Ogadeniya, Eritrea, Soomaaliya, Oromo,
Amxarada iyo Binshanguul.
Kulankan oo ka dhacey Waqooyiga Magaalada
London, ayaa qolo weliba waxa ay soo
bandhigtey dhibaatooyinka ugaarka iyo sidii
xal loogu heli lahaa xaalada Geeska Afrika
ee murugsan.
Shirkan ayaa sababta loo qabtay ay ka
danbaysay kadib markii ay dhalinta u
dhalatay Geeska Afrika daremeen dhibaatada
ka taagan Geeska Afrika iyo sidii xal loogu
heli lahaa. Waxaana shirkaas lagu go'aamiyay
in loogu magac daro "Shirka nabada &
Xoriyada Geeska Afrika", kaas oo ahaa midkii
ugu horeeyay ee noocan oo kale ah oo ay
qabtaan dhalinyara ka soo jeeda Geeska
Afrika
Ururka Dhalinyarada Ogadeniya ee Ogaden
Student Forum (OSF) oo halkaas si laxaadleh
ugu soo xaadirey ayaa waxay yimaadeen iyaga
oo dhamaantood madaxa ku xiran weer ka
sameysan
Calanka Ogadenia.
Waxaa sidoo
kale dhalinyarada la socdey Hooyooyinka,
Odeyaal, Siyaasiyiin iyo qaybo kale oo ka
mid ah bulsho weynta Ogadeniya
Ururada shirka soo agaasimaya ayaa qolo
walba soo bandhigeen cabashadoodii, taas oo
isugu biyo shubatay in dabka ka holcaya
Geeska Afrika ay xukuumada Itoobiya ka
masuultahay.
Sidoo kale shirkan waxa ka soo qayb
galay ajanabi farabadan oo isugu jiro
Qareeno, Siyaasiyiin iyo Indheer garad,
kuwaas oo dhagaystay waxyaabihii dhalinyartu
soo bandhigtay
Waxaa xusid mudan sawiradii & qoraaladii ay
soo bandhigeen ururka Ardayda Ogadeniya oo
daqiiqado markii ladaawaday qoraalkii &
sawiradii isla socday dadwaynihii goobta
isugu yimisd oohin is hayn waayeen, iyadoo
shirkii lajoojiyay si qiiradaas loodamiyo.
Shirkan oo amaankiisa aad loo ilaalinayay
ayaa waxaa isa soo xadairiyay Ururada ka
kala socdey Eritrea Youth Federation, Ogaden
Student Forum (OSF),Oromo iyo Soomaali.
Waxaa shirka ka baaqdey oo aan si aad ah uga
muuqan Ururka Amxaarada iyo Binshanguul oo
labaduba sheegay in ay arimo dhexdooda ah
dartood doonayaan in ay dhagaystayaal ka
ahaan doonaan shirkan.
Dhinaca kale, waxaa shirka marti sharaf ku
ahaa Safaarada Eritrea iyo Hogaanka Arimaha
Dibada ee ONLF oo uu hogaaminayo Madaxa
Arimaha Dibada ee ONLF Mudane C/raxmaan Sh
Mahdi oo ay weheliyaan C/fataax Hersi kamas
iyo C/Casiis Aadan
>>>>Sawirada
Kobtan ka Daawo
--Ogaden Online News |