Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Opinion Mindida Cadowgaagu kugu halgaado iyo mijin qabashada walaalkaa midkee xanbuun badan?

Mindida Cadowgaagu kugu halgaado iyo mijin qabashada walaalkaa midkee xanbuun badan?

E-mail Print PDF

Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa umadda Soomaaliyeed  inteeda wanaaga  iyocadaalada  jecel waxaanan u rajaynayaa in uu Illahay  guud ahaan umada Soomaliyeed dhibataada ka dul qaado una soo celiyo qaranimadii, midnimadii, haybadii iyo isku kalsoonidii luntay waxaan si gaar ah u salaamayaa umadda Soomaalida Ogaadeenya ee la gumaysto una halgamaysa xoriyadeeda gaar ahaan inta sida dhabta ah uga danqatay xanuunka gumaysiga kana dhiidhiday waxaanan u rajayanyaa in u Illahay guusah u soo dadajiyo.

Inta aanan  fogaanin waxaan jeclahay in aan yar iftiimiyo ruuxa aan ahay, waxa aan ku hubaysanahay  iyo sababta igu kaliftay qormadan,  waxaan ahay gabadh ka mid ah Soomaalida Ogaadeenya ee uu gumaysigu ragaadiyay waxaan ka mid ahay da’da ciilka  ku calool gashay cadhada la soo dhalatay  taraysada lagu anqariyay gulofka dagaalkana lagu gardaadiyay walina aan qoob qabow ku joogsanin cimriga aan jiro oo meel dhexaad ah dhagahaygu wax badan oo farxad u ah ma aysan maqal idhahayguna ma aysan arag maskaxdaydana  habeen iyo maalin kama bixin fikir iyo is weydiin.

Waxaan indhaha ku kala qaaday dagaal u dhexeeya Soomaalida Ogaadeenya iyo dad Afrikaan ah oo ku soo duulay doonayana  in ay gumaystaan, anigoon caqilgaygu igu filaanin ayaan ka mid noqday dadka go’aansaday in aysan marnaba gunimo ogolaanin tabari meel ay dhigtaba waxaanan aad ugu rajo weynahay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida Ogaadeenya iyo Itoobiya   in uu  soo af jarmi doono xili aan fogayn guushii mudada dheer aanu raadianynaya ay soo muuqato sidoo kale waxaan ku han weynahay in aan mar uun arki doono guud ahaan umada Soomaaliyeed oo Eebbe u soo ciliyay sharaftii isna wada jecel oo is qadarinaysa anigoo aad ugu dhaata Soomaalinimada waxaa marwalab idanqanaysa boog igu taala oo uu xoqayo ruux Soomaali ah.

Hardanka colaadeed ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya degan iyo Abasiiniyiinta dhulboobka ku can baay ee duulaanka ah  waa mid soo jireen ah oo dhamaan Soomaalida khuseeya waana mid saamayn balaadhan ku leh guud ahaan Geeska Afrika lagumana xalin karo wax aan xornimo ahayn  waxaa jira duruufo aan yarayn oo laga yaabo inay dib ridaan guusha uu shacabka Ogaadeenya higsanayo waxaase  si dhab ah loo ogaaday in ay dadka Ogaadeenya isku tashadeen ayna ka go’antahay in ay wax walba oo qaali ah ku iibsadaan gobanimadooda taas oo ay hubaal tahay in wax badani uu ka hirgalay.

Halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo oo lagu tilmaamo in uu yahay halganka  caalamka ugu taariikhda dheer  waxaa hor mud u ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya(JWXO) oo ah Jabhadii ugu cimriga dheerayd ee abid dhulka Ogaadeenya u dagaalanta maantana ah xoog aan la dhayalsan karin oo Geeska Afrika ka dhex muuqda kana soo dhex baxay shacab gobanimo doon ah, halagnkan oo asal ahaan Soomaali oo dhan khuseeya wuxuu soo maray   marxalado kala duwan waxaa mar qoriga u wada qaadday Soomaali weyn waxaana la cidhiidhi galiyay gumaysiga Itoobiya taas oo ugu dambayntii sababtay in ay Itoobiya u soo gurmadaan quwado waawayn oo reer Galbeed ah, sikastaba ha ahaatee halganka Ogaadeenya wuxuu madi noqday markii qaranimadii Jamhuuriyadii Soomaaliya luntay inkasta oo halgankani uu yahay mid wadadiisii ku qotoma hadana Dawladii dhexe  ee Soomaaliya markii la waayay  shacabka Ogaadeenya wax badan ayaa kaga lumay.

Burburkii Soomaaliya aafadii iyo darxumadii ka dhalatay shacabka Ogaadeenya wax badan ayaa ka soo gaadhay si walbana dhibaatadu way u saamaysay waxayna la qabeen Soomaalida inteeda kale waxaase u dheer halgaada gumaysiga oo aysan hiil u helin, halganka ay JWXO hor muudka u tahay wuxuu ku soo beegmay xili adag oo ku talo galkiisa leh waxaana ku xeeran duruufo caam ah iyo kuwo khaas ah intaba JWXO markii ay dagaalka hubaysan bilowday hiil kama aysan filaynin  Jamhuuriyadii Soomaaliya sababtoo ah qaranimadii meesha ayay ka baxday waxaana bilowday dagaal sokeeye  oo aad u baahsan arintaasi shacbka Ogaadeenya iyo JWXO waxay ku ahayd walwal ilaa eegga taagan waxayna dareemayaan in  geestii ehelku ka jiray ay  dabayli kaga socoto kuna banaantahay oo ay walaba dhiilo culusi ka jirto xalna loo la’yahay .

Inkasta oo aan ku dheeraaday gogol dhiga  bal aan gudo galo ujeedada cinwaanka qormadayda oo ah Mindida Cawogaagu kugu halgaado iyo Mijin qabashada walaalkaa midkee xanuun badan? waa su’aal aan jawaabteeda ka sugayo cid kasta oo jawaab u haysa waxayna ka dhalatay xanuunka boogta ixanfafaysa ee marwalab idanaqnaysa  taas oo sida aan kor ku xusay ay idanqayaan dadkii nabaradayda dhayi lahaa ee dhawaca aan qabo la tacaali lahaa.

Tolow  waa kuwee kuwaasu?.

Sida afkan aan wax ku qorayaayi tilmaamayo waxaan lahadalyaa cida aan wax walba wadaagno sida dhalasho,dhaqan,dhul iyo diin  waxaaanan filayaa in aadan akhristoow u baahnayn in aan sii tilmaamo dadka aanu waxaasoo dhan wadaagno cida ay yihiin wayna kuu cadahay in aan Soomaalida lahadlayo.

Maxaan ka cabanayaa?

Sida hadalkayga hore laga dhadhansanayo umadda Soomaaliyeed  inteedi xorta ahayd ma jiro hiil weyn oo in ay naga garab dagaalamaan ah oo aanu ka filaynay marka la eego xiligan waxaase  waajib ku ah wixii ay awoodaan in aysan naga hagranin bal ka waran hadii Soomaalidu hiilkii aanu uga cudur daaraynay iyo ka badanba ay siinayaan Cadowgii aanu hiilka u la ayn waxayna Soomaalidu noo quudhaa wax uusan gumaysiga aanu la dirirayno noo quudhin sida runta ah Itoobiya waxyaalo badan ayaanu kaga adkaanay marwalbase waxaa la duuban in badan oo Soomaali ah kuwaas oo noo mijinqabanaya, ma doonayo inaan qormadan eegga ku falanqeeyo  inta nooc  ee ay dadka Soomaaliyeed noogu mijin qabanayaan uguna hiilinayaan cadawgooda soo jireenka ah waxaanse doonayaa in aan soo qaato inta ugu yar.

Umadda Soomaaliyeed ee Ogaadeenya degan waa dad aan waligood Itoobiyanimo  ogolaanin  mana ogolaan doonaan waana dad Soomaali nimadu ka dhab tahay oo aan badhax ku jirin gumaysiga laftiisuna macangagnimo un buu isugu dhajinayaaye wuu ogyahay arintaas  waligiina  fagaare caalami ah magac  aan Ogaadeenya ahayn ma uusan dhulkaas ugaga yeedhin wuxuuse  taliska dhiigyacab Zanaawi samaystay nidaam cusub kaas oo lagu tilmaamo Itoobiyada cusub oo la doonayay in reer Galbeedka laga gado waxaana shucuubta  laysku khasbayo ee ay maanta qowmiyada tirada yar ee Tigaygu gumaysato  loo qaybiyay 5 qaybood erayga qayb ayaa  afka xabashida waxaa lagu yidhaahdaa Kilil, qaybahaas waxaa laga soo bilaabayaa Gobolka Tigrayag oo la yidhi Kililka 1aad Af Soomaalina ku ah qaybta 1aad  Dhuka Ogaadeenya oo gumaysigu gobol ahaan u istic maalayo ayaa lagu suntay Kilika  5aad ama qaybat 5aad.

Hadaba umadda Soomaaliyeed oo aan maanta u qalmin in aan ka cadwoono ayaa meel iska dhigtay wax walba oo dani ugu jirto jinsigeena Soomaaliga ah  waxaana u fudud in danaha cadogeena si muuqata iyo si dadbanba loo fuliyo,aan ku noqdo boogta iqoomanta maalin walba, bulshada Soomaaliyeed waxay shacabka Ogaadeenya ka galayaan dhagar taariikhi ah waxayna si xishood la’aan ah ugu badheedhayaan hagaradaamada aan kala go’a lahayn ee shacabkaas dulman loo gaysanayo.

Waxba waxbaa iiga daran Dilka duudsigaa iiga daran

Dakanada shacabka Ogaadeenya ay Soomaalida inteeda kale ka galayso waxaa ugu  culus duudsiga jiritaanka dalnimo iyo umadnimo waana wax aan loo dul qaadan karin  oo in laga dagaalomo ay waajib tahay Itoobiya waxay rabtaa shacabka Ogaadeenya in oo heeryada gumaysiga ogolaado hadii uu shacabka Ogaadeenya taas ogolaado oo halganka huabysan joogsado Itoobiyana lagula gorgortamo maagca aanu leenahay waa Ogaadeenya way ogoshahay waxa aanu isku haynaana waa aan ku xukumo iyo ixukumi maysid , sida muuqata Soomaalidii xorta ahaan jirtay waxaaba dhib ku ah in ay na xusuustaan waxaanad moodaa in  20 kii sano ee waalidu uu xiskooda ka lumiyay in aanu ahayn dad Soomaali ah oo wali gacanta gumaysiga ku baaqi ah waxaana taas cadayn u ah waxaa dhib ku ah in ay magaca aanu leenahay sheegaan  waxaan in badan Saxaafada Soomaalida ku arkaa ama ka maqlaa magacyo uusan waligii gumaysigu in uu noogu yeedho ku dhiiarnin.

Saxaafada Soomaalida ee Af Soomaaliga ku hadasha noocay dooniba ha noqoto cid kastaana ha lahaatee marka ay dalka iyo dadka Soomaalida Ogaadeenya ka hadalyaan way ku margadaan hadalka waxayna noo raadiyaan magac  inaanu Itoobiyaan yahay muujianya sida

  • Soomaalida Itoobiya
  • Soomaalida dhulka Itoobiya degta
  • Soomaalida kililka 5aad ee Itoobiya
  • Gobolka Itoobiya ee Soomaalidu degto
  • Qabta 5aad  ee Itoobiya

Intaas oo magac ah oo ay Soomaalidu noogu yeedho waa hiilo weyn oo gumaysiga loo hibayay waana dhagar culus oo nalaga galayo waxaanse ku kalsoonahay laba arimood

  1. Shacabka Ogaadeenya  wuu isku tashaday ilahayna wuu isku xidhay halgankuna waa dhib ay dheefi ka dambayso isku day walba oo lagu xagal daacinayo halganka xaqa ah ee Ogaadeenya lagu xoraynayona aakhirkiisa wuu fashilmaa.
  2. Dadka Soomaaliyeed ee  noo quudhi la’ in ay nagu tilmaamaan Soomaalinimo maanta iyagiiba naf isuma hayaan waanan ognahay in uu xarrka gumaysigu masakxdooda ku beermay sidaas daraadeed  waa uun iga dareensiine iyo kayd aan u dhigayo jiilasha soosocda’e dad miyir iyo caafimaad qaba in aanan ka cabanaynin waan ogahay maata kobtaas ha inoo joogto waaxaanan idinku dhaafayaa.
  • Kuwa isamka doolka ah shacbkiga ku ablikaynaaya.
  • Itoobiyana nagu sheegayoow la ogolaan waaye.
  • Abtirsiinadii iyo rirkaygaad ambinaysaane.
  • Duntii lagu arooraayaybaad uub u qodaysaane.
  • Anoo ubaxa Soomaaliyeed Eebbe iga beeray.
  • Aanjii miyaan noqon karaa ina amxaaraad ah.
  • Sideen ugu ekaadaa ma ihi Aabasiiniya’e

Qoraalkan waxaa qorey Rooda Ibrahim A/Gurey (Afjanno) oo ah Gabadh Abwaanad ah oo ku xeel dheer Gabayada

Waxaad kala xiriiri kartaa: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (4)Add Comment
0
maansha allah
written by mohamed, October 18, 2009
gumeeysiga isagaaba sii liicaya gumeeysigana wuu iska tagayaa halganka jooxa OGADENIA guushana inagaa leh waana xoroobeynaa ALLAHA inoo fududeeyo halganka aan kula jirno xabashida,inta dhuuni raacana allaha soo hanuuniyo aaamiin kuwa iayagu mijin xaabin kujirana iyaga unbeey udarantahay guuuuuuuuuuuul ayaa ka danbeeysa
0
Baaq Furan oo ku socda Maamulka Puntland iyo waxgaradkiisa
written by Cajaam, October 24, 2009
Baaq Furan oo ku socdo Maamulka Putland

Anigoo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamul Goboleedka Puntland waxaan Baaqan Furan u dirayaa Maamulka Puntland.

Sida aan wada ognahay bulsho kasta oo maamul sameysataa waxey doorataa hogaan hogaaankaasuna waxaa lagu xusuustaa waxqabadkiisa kaasoo gala sooyaalka taariikhda.

Maamulka Puntland ee hada talada hayaa waxuu ku yimid maamul isbedel doon ah oo si weyn bulshada Puntland iyo bulshada soomaaliyeedba u soo dhoweeyeen kana sugayaan waxqabadyo la taaban karo oo ka bedelan maamuladii hore. Inkastoo oo maamulku xoogaa is bedel ah sameeyey hadana ma noqon sidii bulshadu fileysey waxaana jira meelo badan oo u baahan in waxqabadyo deg deg ah laga qabto haddii kale ay saameyn ama raad mustaqbalka dambe ah ku yeelan doonto maamulka.

Sidaa darteed waxaan maamulka ka codsanayaa iney arimahan si deg deg ah wax uga qabtaan.
1)Nabadgelyada gudaha ee magaalooyinka dalka. Waxaa si cad uga jira in magaalooyinka waaweyn oo ay ugu horeyso Boosaaso oo ah Xarunta ganacsiga Puntland Dhac baahsan oo Ciyaalka fayacaliga la yidhaahdo ay xaafadaha Magaalada habeen walba ay shacabka ugu baadhaan kana qaadaan waxa ay sitaan iyagoo qaarkoodna dhaawacyo waaweyn u geysta taasoo markii dadweynuhu gacantii ay uga baahnaayeen ka waayeen laamaha amniga ay hada ku dhow yihiin in xaafad waliba ay sameysato dhalinyaro xaafada ah oo ilaalisa xaafada taasoo keeni karta iney lunto kalsoonidii ay bulshadu ku qabeen dawlada iyo laamaheeda amniga. Sababaha u waaweyn ee kalsooni darada iyo raja beelka bulshada keeneyna waxaa ka mid ah.
•Laamaha Amniga oo ku guuldareystey amniga magaalooyinka
•Dhaqan xumo iyo belwado ay leeyihiin askarta iyo masuuliyiinta laamaha amniga.
•Goobaha laamaha amniga sida Saldhigyada Police-ka Maxkamadaha Xeer ilaalinta oo dadka ka hawlgalaa ay caado ka dhigteen musuq maasuq, laaluush taasoo sababtey in cid kasta oo dembi gashaa soo deyntoodu ay ka xigto lacagi
fadlan Emailada Kale ee Soomaalida u gudbiya
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


0
...
written by Galbeedkeenna., November 02, 2009
cajaam,
xarunta ganacsiga ee boosaasso waxay noqotay xaruntii ABSAME lagu kala ganacsan jiray. mar marsiinyaha iska daaye, nin noqo oo adkayso markaada. Ninba waa markiisa. wax loo jawaabo matihid.
Anaga iyo dhabayaco way inoo tahay.
0
Go Ethiopia iyo Somaliland, (Boosaasso waa suuqa lagu iibiyo nacaska ABSAME oo dhan) :)
written by Somaliland iyo Ethiopia waa walaalo., November 02, 2009
Ethiopia iyo Somaliland waa laba dowladood oo walaalo sax ah. ONLY waa argagixiso caalami ah. Wixii argagaxiso ahna waxaa ladhigayaa Alambaqa/xabsiga aduunka ugu xun/adag ee ethiopia kuyaalla. Wixii argagagixiso ahna waxaa inoo jooga Halyeyga Somaliland ee Faysal Cali Waraabe. Ilaa hadda wuxuu xabsiga ethiopia dhigay inbadan oo ah ONLF. kuwo kalena waannu u rajeeynaynaa. ONLF xabsiga ladhugay maxaa micno oo ay leedahay? Dee waa waxba, lol, lool, loool, loooool,
qofkii wax kaqaba ha'igala soo xidhiidho shabakadda emaylka,
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it '> \n This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it '> This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,