Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Monday
May 21st
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Opinion Saca Faarsa Diida Saddex Maalintuu qado Sanduluu ku soo noqon!!!

Saca Faarsa Diida Saddex Maalintuu qado Sanduluu ku soo noqon!!!

E-mail Print PDF

Waddanigu siduu u eg yahay? waddaninnimaduse ma jibbo markuu arko meel waddanka lagu hadal hayo qaadaysaa, mise waa hammi lafta iyo dhuuxa kaga jira. Waddani qofka la yidhaa qof la diri karo ama la baddali karo ma aha. Waayo wuxuu mar walba og yahay, in aan waddanka laga xigin waajibaakiisuna ay qof walba saaran yihiin. Wuxuuna u hormarinayaa naftiisa oo hawl iyo dan kasta oo waddankiisa loo qabanayo isagaa ka kow ah. Wuxuuna mar walba ku taamayaa in uu xalliyo dhib kasta oo waddanka haysta, illaa uu ka dhimanayo.

Dadka intay ummadda dhex boodaan in maalmo ah, kolka ay siday rabeen u noqon waydo, dhinaca kale ka soo jeedsanaya, ee waddankiisii iyo dadkiisii caksiga ku noqonaya waxaa la yidhaa "DANAYSTE"ee waddani ma aha. Ujeeddadiisuna waa siduu naftiisa ku raalli galin lahaa ee ma aha in uu waddan u halgamayo. Waa su'aale dalkiisii shalay uu lahaa waa la haystaa iyo dadkiisii uu lahaa waa la gumaystaa maxaa uga dambeeyay ? Meeshii shalay gubanaysay ee uu dadkayga waa la dhibaa ugu dhawaaqayay. maxaa qaboojiyay? Hadalka murtidiisu waa danayste kolba meeshuu is yidhaa dan gaar ah ka eego ayuu u safrayaa runtiina ma oga dhibka iyo magac xumada uu ku dambayn. Waxaana u fiican intaanu galin dabinka inuu eego kuwii ka horeeyay meesha ay maanta yaalliin . aakhiro seegga iyo rajo xumada haysata. Waxaad hadal ku soo xidhayaa "Saca faarsa diidaa saddex maalintuu qado san-dulluu ku soo noqon". Nimaan kuu furi doonin yuuna kuu rarin. Danaystoow Allaha ku soo hanuuniyo.

--
Suad Hassan
Comments (2)Add Comment
0
...
written by gooni, November 18, 2011
Waa qormo xigmad leh, malaha waad layaabtay dadkan sii yaacaya marna soo yaacaya.waa wax lala yaabo.Abti.
0
Asics Schuhe
written by Onitsuka Tiger Mini Cooper, November 25, 2011
Asics Schuhe ist die beste Laufschuhe,Beste Verarbeitungen, hochwertige Materialen und ein unverwechselbares Design machen Asics Schuhe zum Liebhaber vieler Schuhfans, denn sie sind auch für den Alltag perfekt einsetzbar!

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 13 November 2011 22:50 )  

Video Feed

Video Feed

Related Items