Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Jaaliyada Ogadeniya ee Switzerland oo Banaanbax ku qabatey Geneva

March 07, 2008 Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland ayaa qabatay Banaanbax si heer sare ah loo soo agaasimay shalay oo aay taariikhdu ahayd 07da bisha Maarso ee sanadkan 2008. Dibad baxan ayaa ka dhacay  xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva iyadoo halkaasi uu ka socday shir caalami ah oo lagaga hadlayay Xuquuqul Insaanka. Ujeedada banaanbaxan ayaa ahayd sidii indhaha caalamka guud ahaan gaar ahaana Qaramada Midoobay loogu soo jeedin lahaa dhibaatada xad dhaafka ah oo uu gumeysiga itoobiya ku hayo shacbiga aan waxba galabsan ee Soomaalida Ogaadeenya

Inta uu banaanbaxani socday ayey xubnaha jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland ku qeeylinayeen erayo ka dhan ah gumeeysiga itoobiya iyagoo is la markaana muujinayay garab istaagida shacbiga dulman iyo taageerada eey u hayaan halganka xalaasha oo aay umada Ogaadeenya ugu jirto sidii eey uga hoos bixi lahayd gacanta gumeeysiga madoow.

Waxeynu halkan u nimid in aan ku dhiiri galino masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee shirkan ka qeeyb galaya in la gaadhay xiligii bulshada caalamka wax ka qaban lahayd xad gudubyada badheedhka ah oo uu ku kacayo taliska gumeeysiga itoobiya is la markaana ka samata bixin lahayd umada dulman ee Ogaadeenya dhibaatooyinka kale oo  uu wali talaskani la damacsan yahay, ayeey tiri haweeneey ka mid ahayd banaanbaxayaasha iyada oo u waramaysay jaraa’id ka soo baxa dalkan Switzerland. Iyadoo hadalkeeda ku xustay in umada Soomaalida Ogaadeanya yihiin umad la gumeeysto xalka kaliyana uu yahay mid siyaasadeed.

Waxaa xusid mudan in taliska arxanka daran ee itoobiya, ka sakoow, dilka dhaca kufsiga, xadhiga, iyo la wareegida hantida shacabka uu in ku dhow sanad xayiraad xaga gaadiidka ganacsiga iyo isu socodka ku soo rogay shacbiga Ogaadeenya. Taas oo uu macnaheedu yahay   in taliskani go’aan saday in uu macluul umada ku laayo. Intii lagu guda jiray dibad baxan ayeey ka soo qeeyb galayaashu qeeybinayeen qoraalo ku xusan yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee loo geeysto muwaadhiniinta Ogaadeenya.

Ugu danbeeyntii masuul ka socday Qaramada Midoobay ayaa la gudoon siiyay qoraaladii cabashooyinka rasmiga ahaa isagoo u gidbin doona haweeneeyda lagu magacaabo Mme Louis Arbour oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka. Dalabyadii laga dalbanay bulshada caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa :

  • In Doowladaha xorta ah hadh cad canbaareeyeen dhaqan xumada dowlad ku sheegta itoobiya.

  • In dowlad ku sheegta itoobiya cadaadis lagu saaro in eey shuruud la’aan qaado xayiraada ula kaca ah oo aay ku soo rogtay shacbiga Ogaadeenya.

  • In Qaramada Midoobay u diraan Ogaadeenya ciidamo nabad ilaalineed oo shacabka ka difaaca waxashnimada gumeeysiga itoobiya.

  • In Qaramada Midoobay dirto gudigii xaqiiqo raadinta ahaa oo eey kal hora ku baaqeen wufuudii QM ka socotay ee booqotay Ogaadeenya dhamaadkii sanadkii tagay.

  • Iyo ugu danbeeyntii in bulshada caalamka ku kaalmeeyaan umada Ogaadeenya in badaxbanaanidooda helaan taas oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo dastuur ku sheega itoobiya.

 :::Sawirada waan ka saarey cilad awgeed:::

A.M.
Geneva/Switzerland
Ogaden Community, Switzerland

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.