Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Duleedka Xerada Garabcase oo lagu arkay 5 ruux oo Mayd ah

Jan 28, 2008 Warar naga soo gaadhay magaalada Jigjiga ayaa waxa ay shegayaan in dad reer miyi ahi ay sheegeen in 5 ruux oo mayd ah ay ku arkeen duleedka Xerada ciidanka Tigreega ee loo yaqaano Garabcase ee Magaalada Jigjiga.

Sida la filayo Maydadkan ayaa waxa ay kamid yihiin maxaabiistii badneyd ee ay la ciirciirayeen xabsiyada magaalada Jigjiga, waxa ayna dadku aaminsan yihiin qaar badan oo kamid ah dadkaasi la laaya.

Maydedkan ayaan ilaa hada la kala garaneynin lab iyo dhedig waxa ay yihiin iyo inta maalmood ee ay banaanka yaaleen.

Dhanka kale, waxay habeenadan magaalada Jigjiga Tigreegu ka wadaan baadhid habeenkii ah oo dadka si hayb-raac ah loo xidhxidhayo, qofka waxaa lawaydiinayaa gobolka uu kasoo jeedo, iyaga markaas dadka gobolada qaarkood sheegta xabsiga u taxaabaya.

Sidoo kale, waxaa aad u dhacda in dad muddo xidhnaa inta lasii daayo, kadibna saacado gudohood hadana dib loo soo xidho, arintaas oo noqotey nidaam caado u noqotey askatta Tigreega iyo gacan yarayaashooda.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.