|
Dec 24,
2007 Wafti uu hogaamino gudoomiyaha
Jaaliyadda Ogadeniya ee Jarmalka mudane
Maxamed Axmed Raabi ayaa booqasho qaadatay
muddo saddex casho ah ku gaadhay waddanka
Beljam(Belgium).
Guddoomiyaha
oo lagu soo dhaweeyay magaalada Antwerpen,
ayaa imaanshihiisii kadib kulamo gaar ah
layeeshay dadweynaha magaalada Antwerpen,
kadibna socdaal ku soo maray magaalo madaxda
waddanka ee Brussels, halkaas oo uu kulamo
kula yeeshay dadweyne kale oo xiisaynhayay
dhisida Jaaliyada cusub.
Hadaba
Maalintii Isniinta ee Bisha Dec 17/12/2007
ayaa gudoomiyuhu ka qaybgalay shirkii
aasaasidda Jaaliyadda Ogaadenya ee waddanka
Belgium, kaas oo kadhacay Magaalada
Antwerpen.
Furitaankii
xafladda kadib, ayaa mudane Raabi lagu soo
dhaweeyay in uu ka warbixiyo safarkiisa.
Salaantaa
dabadeed, Mudane Raabi wuxuu hadalkiisii ku
bilaabey "sida aad lawada socotaan xaaladda
dhulkeenii iyo dadkeenii uu kusugan yahay
iyo guud ahaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya
waad lawada socotaan, sababahaa darteed ayay
xaalka maanta taagan wuxuu noqday nin walbow
naftaa."
"Taas
macnaheedu waa cidkastaa adigu isku tasho,
haddaba haddii aynaan maskaxdeena, muruqeena
iyo maalkeenaba aynaan kulminin dadkeena iyo
inaguba dhibkan sina uga bixi mayno."
Mudane Raabi
wuxuu intaas ku daray "Si hadafkaas
loogaadho ayaa wadankasta oo Jaaliyadaheena
laga helikaro laga aas aasay Jaaliyad
matasha qadiyada Ogadeniya"
Mudane Raabi,
wuxuu ka soo qaybgalyaashii ku booriyey in
aas aasid Jaaliyad fadhigeedu yahay xarunta
midawga Europe ee Brussels ay muhiimad
weyn ugu fadhida baahida balaadhan ee
halganka Ogadeniya u qabo in saaxiibo loo
helo.
Guddoomiyaha Jaaliyada Jarmalka Mudane Raabi
oo khudbadiisu dheereeyd aadna uga hadley
taariikhda Ogadeniya, heerka halganka
Ogadeniyo maanta marayao iyo marxalka
siyaasadeed ee hadda taagan ayaa gabagabadii
faray dadweynihii kasoo qaybgalay shirka i n
midnimadu tahay furaha horumarka kasta
Dadweynihii ka
soo qaybgalay kulankan ayaa Gudoomiyaha
socdaalkiisii uga mahadceliyay, waxaa kale
oo ay dadweynuhu uga mahadcelinhayeen
xigmadaha dadka ka qosliyay ee uu
guddoomiyuhu mararka qaar ugu hal
qabsanhayay iyada oo uu islamarkaana
siiraacinhayay dhacdooyin dadweynaha
qiiragaliyay.
Ugu danbayntii,
waxaa lagu heshiiyay in si ku meelgaar ah
looqaato magaca jaaliyadda waddanka
Jarmalka ee Ogaden Hulporganisatie(Ogaden
Hilforganistion e.v.). Kadib waxaa ladoortay
guddi ku meelgaar ah oo jaaliyaddu yeelato
inta laga gaarayo doorashada guddi rasmi ah.
Axmed Cabdalla
saalax
Brussels, Belguim |