|
Feb 24,
2008 War naga soo gaadhey Magaalada
Jigjiga ayaa sheegaya in khamiistii bisha
Feb 15, 2008 shaqaale badan oo horay uga
tirsanaan jiray XAFIISKA KHAYRAADKA BIYAHA
ee maamul ku sheega kililka markay arkeen
magacyadoodii oo ku dhagan darbi kamid ah
kuwa isla xaafiiskaasi. Magacyadan dhagan
ayey ahayd nuxurka warqada ay ku qoran
yihiin in laga qaaday shaqadii ay u hayeen
xafiiska.shaqaalahan oo tiradadooda lagu
sheegay ilaa iyo 87 shakhsi ayaa waxaa looga
eryey xafiiskay katirsanaan jireen si sharci
daro ah. shaqaalahani waxay dhamaantood
ahaan jireen shaqaale rasmi ah oo horay loo
soomariyey nidaamka u yaala maamul ku sheega
markay noqoto shaqo-galinta iyo shaqo-siinta
dadka u dhashay gobolka.
Ma aha oo kaliya in xafiiska biyaha ay ku
egtahay shaqo ka qaadidan balse waxaa jira
xafiisyo kale oo ay kamid yihiin sida
XAFIISKA WAXBARASHADA IYO XAFIISKA
CAAFIMAADKA KILILKA oo iyana la sheegay in
shaqaale badan laga eryi doono todobaadkan
xilalkooda shaqo.xafiisyadan oo ah kuwa ay u
shaqeeyaan shaqaalaha ugu badan ee maamul ku
sheega kililka ayaa waxaa lafilayaa inay
iyana ku soo biiraan sida looga qaaday
shaqadoodii si lamid kuwan biyaha.
Iyada oo aysan ahayn markii ugu horaysay ee
shaqaale horay uga tirsanaan jiray maamul ku
sheega kililka laga eryo xilalkooddii shaqo
ayaa hadana waxaa la saadaalinayaa in ay
noqon doonto tani middii ugu xooga badnayd
ee in dhawaanahay la arko.waxay ahayd
dabayaaqadii sanaddii 2004 markii shaqaale
badan oo tiradoodu kor u dhaaftay 947 oo
kala tirsanaan xafiisyada ka jira
gobolada,degmooyinka iyo magaalada jigjiga
ee fadhiga u ah maamulka kililka laga eryey
shaqadoodii islamarkaasna oodda loo jiiday
goobihii ay u shaqo tagi jireen iyada oo
sababta ugu badan ee dadkan shaqada looga
qaaday ay ahayd ''waa dad horay wax uga soo
bartay jamhuuriyada soomaaliya' oo aan la
jaanqaadi karin xukuumada meles.
Waxaa caado ah in aysan shaqaalaha u adeega
maamulka tigreega ee itoobiya marnaba helin
wax xuquuq ah ama dhawrsanaan ah. taas dad
badan oo kamid shaqaalahaas la eryey iyo
kuwan hada la soomaagan yahayba ay aad ula
fajaceen nidaamka sharci darada ah ee ay
samaynayaan u adeega yaasha xukuumada
wayaanaha ee Zenawi.
--Ogaden Online News |