Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Xagey ku dambeeyeen hay'adii UN ee Ogadeniya tagey!


Feb 28, 2008 Hay'ado ka mid ah hay'adaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa qaybtooda gar-gaarka ayaa badhtamaha bishii hore xafiisto ka furtey magaalooyin ka mid ah Ogadeniya, sida Jigjiga, Dhagaxbuur iyo Qabridahare.

Ujeedada hay'adahan ayaa ahayd in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka gaajada iyo cudurada leh ee ka taagan Ogadeniya, kadib markii Xukumada Itooboya cunaqabety ku soo rogtey Ogadeniya. Hay'adahan ayey Itoobiya ogolaatey kadib markii cadaadis kaga yimid Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa, iyo Warbaahinta caalamka oo aad uga digtey dhibaatada ka taagan Ogadeniya.

Hadaba hay'adahan oo ay ahayd in a si madaxbanaani ah hawshooda ku gutaan ayaa waxaa hor istaagey Xukumada Itoobiya, iayada oo ugu hanjabtey in ay wadanka ka saari doonto hadii aysan u hogaansamin qorhaha ama qaabka hawlgalka ee ay Itoobiya soo jeediso.

Arintaasi ayaa waxay kaliftey in madax sare oo ka mid ah sirdoonka Itoobiya loo dhiibo maamulka hay'adaha samafalka ah ee ka hawlgala Ogadeniya.

Sida warku sheegayo Madaxa UN-ta ee Jigjiga waxaa madax looga dhigey Colonel Gebre Mariam, Xafiska Dhafaxbuurna waxaa maamula ninka lagu magacaabo Colonel Kaydhu, halka Xafiiska Qabridahare loo dhiibey Colonel Tesfaye.

Ururka MSF oo isagu inta badan ka hawlgeli jirey Gobolka Doolo ayaa diiday in u hoos yimaado Sirdoonka Itoobiya, Ururkaas oo wadanka laga soo saarey.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.