|
Feb 13,
2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada
Jigjiga ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya
ay doraaad Meydkiisa soo dhigeen suuqa
magaalada Wiil Ardey ahaan jirey oo lagu
magacaabo Cabdi Casiis Sanyare.
Marxuum Cabdi Casiis ayaa todobaad ka hor ay
Ciidamada Itoobiya habeen madow gurigiisa
kala baxeen.
Sida warku sheegayo goobta la soo dhigey
meydka wiilkan ayaa waxaa iyagana laga helay
2 qof oo kale oo meyd ah oo ay dileen
Ciidamada Gumeysiga Itoobya.
--Ogaden Online News |