|
|
|
|
|
Dawlada
Itoobiya oo Adis ku aruurisay Odey dhaqameedyo ka soo jeeda
Ogadeniya |
Jan 11,
2008 Wararka naga soo gaadhaya Xarunta
Xukumada Itoobiya ee Adis Ababa ayaa
sheegaya in taliska Meles Zenawi uu Adis
Ababa ku aruuriyey Odey dhaqameedyo ka soo
jeeda Ogadeniya. Odeyaashaas oo sheegtey in
ay matalaan shacabka Ogadeniya. Odeyaashan
ayaa loogu talagala in ay Warbaahinta
Caalamka gaadhsiiyaan warar khaldan oo ka
dhan ah dhiibatada ay Xukumada Itoobiya ku
heyso shacabka Ogadeniya.
Sida warku sheegayo Odeyaasha iyo Maamulka
Meles ayaa waxaa soo kala dhex galay mugdi
iyo shaki, iyadoo Dawlada Itoobiya sheegtay
in aan la aamini karin Odeyaasha matala
Ogadeniya, waxaana lala balamey Odeyaash 2
bilood kadib. Odeyaashan ayaa waxaa
hogaaminaya Ugaas Maxamed Gaman
--Ogaden Online News |
|
|
|
|