|
March 08,
2008 Booliska iyo Ciimada Itoobiya ayaa
waxay xasquu ba'an ka geysteen
tuladaasi Cambule oo ku taala dariiqa
laamiga ah ee isku xidha Jabuuti iyo Addis
ababa.
Amarka lagu lagu fuliyey Xasuuqaas foosha
xun ayaa waxaa bixiyey Meles Zenawi, waxaana
fuliyey Maamulka Dabaqoodhiga ee Jigjiga iyo
Maxamuud Dirir oo ka mid ah Wasiirada
Xukumada Meles Zenawi.
Dhimashada iyo dhaawaca dadka ayaa aad u
badan, iyada ilaa hada la so xaqiijiyey 6
qof oo meydkoodu dariiqa yaalo.
Sida warku sheegayo magaalada ayaa dab la
qabadsiiyey, mana jiro wax guri ah oo ka
bad-baadey falkaas foosha xun.
Dadkii shacabka ahaa wixii ka bad-baadey
xasuuqaas ayaa waxay u firxadeen duleedka
magaalada, iyadoo halkaas ay haraad iuo
gaajo ugu leysay.
--Ogaden Online News |