|
Feb 05,
3008 Ururuka Dhalinyarada Ogadeniya ee
wadanka Denmark ayaa shir ku yeeshay
Magaalada Copenhagen maalintii Sabtida ee
Feb 02, 2008.
Shirkaas oo ay
ka soo qaybgalen dhalinyaro badan oo isugu
jirta xubnaha ururuka iyo dhalinyaro cusub
oo u dhalatey Ogadenia.
Kulankan ayaa waxaa la isla qaadaay dhigey
sidii dhalinyarada loo abaabuli lahaa
waxaana la isla qaadaa dhigay sidii dhalinta
loo abaabuli lahaa, loona dar-dar gelin
lahaa sii xoojinta is garab istaaga halganka
JWXO hormuudka ka tahay ee shacabka
Ogadeniya ku doonayo aayo katashigiisa.
Shirkaas ayaa
waxay xubno badan halkaas ku saxiixay in ay
ururka dhalinyarada reer ogadenia(Ogaden
student Forum DK.) ( OSF DK) ay xubno ka
noqon doonaan.
Gudiga (O.S.F DK) ayaa i ayguna dhinacooda
balan qaadey in ay shirar joogta ah u
diyaarin doonaan dhalinyarada reer Ogadenia,
ee ka tiiraanyeysan dhibaatada uu ku hayo
guumaysiga madoow dhulkoodi hooyo.
Kulankaas baaladhan ayaa waxay dhalinyaradu
ka soo saareen go'aamadan;
-
In la helo
urur dhalinyaro oo ka jira Denmark.
-
In
dhalinyaradu ka qeyb-qaadato halganka
dheer ee shacabka Ogadeniya ugu jiro
aayo katashigiisa
-
Ka war
ahaynta agoonta reer Ogadenia.
-
In dhamaan
dhalinta reer Ogadenia ee ku nool dalka
Denmark ay yeelato xiriir joogta ah.
-
In
dhalinyaradu kawada hadlaan waxbarashada,
si loo helo dhalinyaro aqoon leh, oo
bari ka maalin anfacda diintooda,
dalkooda iyo dadkoodaba.
-
In
dhalinyaradu layeelato xiriir dhamaan
ururada xaga hore kaga jira halganka
Ogadeniya
Shirkan ayaa
waxaa gabagabadii la gundoonsadey in shir
weyn la isagu yimaado mustaqbalka dhow.
--Ogaden Online News
@ Ogaden
Online News
|