|
March 03,
2008 Xalay abaarihii 3:20Am xiliga
Geeska Afrika ayaa waxaa magaalada Dhoblay
soo weeraray diyaarad kamid ah kuwa
Maraykanka, waxayna labo 2 Bam ku dhufteen
guri uu leehay nin shacab ah oo lagu
magacaabo NUURIYE.
Sida warku sheegayo waxaa halkaas ku
dhaawacmey 2 qof, waxaana ku naf waayey 2
neef Lo ah.
Falkan ayey ciidamada Maraykanku geysteen
kadib markii ay heleen war shegaya in Sheekh
Xsan Turki oo ka mid ah Ururka Maxaakiimta
Islaamka ee Soomaaliya uu halkaas joogo.
Sheekh Turki ayey Maraykanku la xiriiriyaan
in uu gacan saar la leeyahay Ururka
Argagixisada Caalamiga ee Qal-qaacida.
--Ogaden
Online News |