|
Feb 02,
2008 War maanta naga soo gaadhay
magaalada Fiiq ayaa waxa ay sheegayaan in
dad shacab ah oo tiro badan ay Tigreegu
xabsiga dhigeen, dadkaas waxa ay
magacyadooda naga soo gaadheen.
1-Xasan Cadbdi Cilmi
2-Maxamed Abdi-qaadir
3-Cabdulaahi-sulub Maxamuud Xuseen
4-Indhayare Khaliif Xuseen Mahdi
5-Asad Cali Kooday
6-Tamaan Shukri Hiirad
Sida warku sheegayo waxaa kale oo dadkan
laxidhan 20 neef oo Geel ah iyo 30 Neef oo
Adhi ah oo ay dadkaasi magaalada iib u
keensadeen.
Dadkan ayaa oo dhamaantood isku jifo ah,
ayaa waxaa loo haystaa sida wararku
tibaaxayaan wiil Jabhadda ONLF kamid ah oo
reerkaas ka soo jeeda.
Magaalada Fiiq ayaa waayahan waxa ay
Tigreegu ka wadaan olole balaadhan oo dadka
xabsiyada lagu miisayo bilaa sabab,
xabsiyadii ayaa dadka qaadi la' waxaana jira
dad wakhti dheer kujiray xabsiga oo
ciqaabtii Tigreegu ay naafaysay.
--Ogaden
Online News
|