Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Abey Sahaly oo hadalo kulul u soo jeediyey Maamul ku sheega Kililka

Jan 18, 2008 Jeelasha magaalada Jigjiga aya waxaa buux dhaafiyey dad shacab o aad u badan oo ana waxba galabsan. Dadkaas oo qaarkood sando badan ku xhidhnaayeen ayaan la soo taagin wax maxkamad ah.

Laga soo bilaabo bishii Sept ee kal hore markii ay Ogadeniya booqdeen gudiga xaqiiqo raadinta ee UN ayaa waxaa cadaadis badan la saarey Xukumada Itoobiya in ay ogolaato in la booqdo jeelasha Magaalada Jigjiga.

Hadaba xukumada Itoobiya oo ka cabsi qabta in la arko dhibaatada iyo darxumada a muuqata dadka sida sharci darada ah ugu dhooban Jeelasha ayay ooda ka qaadey dad badan oo xabsiyada Jigjiga ku jirey, gaar ahaan dadkii ku xidhnaa xabsiyada degmooyinka, iyada oo qarisay Xabsiyada waaweyn iyo kuwa ay ka sameysatey xeryaha Ciiidamada. Balse dadkii ooda laga qaadey ayaa maalin kadib jeelasha dib loo dhigey, falkan oo uu ka dambeeyey Cabdi Iley oo ah gacanyaraha xaga nabadgelyada Maamul ku sheega Jigjiga.

Talaabadan ayaa waxay cadho gelisay madaxda Sare ee TPLF, taas oo keentay in uu Jigjiga yimaado Abey Sahay, isla markaana uu amar ku bixiyo in si deg-deg ah loo sii daayo dadkii ay horey u sii daayeen.

Abey Sahay ayaa sheegay in Cabdi Iley "100 sano dhibaato aan Itoobiya soo gaadheen uu soo gaadhsiiyey", taas oo uug uga jeedo in ay ONLF aad u sii xoogasatey, kadib markii Cabdi Iley si fiican uga soo bixi waayey shaqadii loo direy.


--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.