Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo ciidan aad u badan wadooyinka lagu sii daayey

Jan 16, 2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in wadooyinka magaalada caawa la soo dhoobey ciidamo aad u tiro badan. Ciidamadan ayaa waxaa weheliya dhar cad ad u badan oo lagu sii daayey xaafadaha magaalada. Sidoo kale waxaa caawa dansan nalkii magaalada

Dhinaca kale, waxaa istaagey dhamaan hawlihii loo maamul ku sheega Kililka, waxaana faraqa is wada haysta maamul ku sheega.

Waxaa soo baxaya calaacal aad u badan oo ka imanaya siyaasiyiinta iyo dhamaan wixii ku shaqada lahaa xaga nabadgelyada, kuwaas oo ka calaacalaya in aan la siinin wax mushaar ah oo la xidhiidha shaqada basaasnimada ah ee loo xilsaarey.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.