Sept 18,
2006 Shir
lagaga hadlayay xaaladda bini’aadamnimo ee
ka jirta dalka Ogaadenya ayaa lagu qabtay
Jaamicadda Leiden eek u taalla dalka Holland
bisha September 15, 2006. Shirkan waxaa si
qabanqaabiyey ururka u dooda xuquuqda
Ogaadenya ee loo yaqaano Ogaden Human Rights
Committee (OHRC) laantiisa Holand iyaga oo
la kaashanaya waaxda daraasaadka Africa
(African Studies) ee jaamicadda iyo
Proffessor Doornbos.
Halhayska
shirku wuxuu ahaa “Somali
Region in Ethiopia: Towords Peace and
Justice”
oo Af Somali ahaan ku noqonaya “Nabad
iyo Caddaalad laga gaadho dhulka Soomalida
Itoobiya(Ogadenya)”
Qodobadii
kulanka laga wada xaajooday waxaa ka mid
ahaa xaaladda xuquuqul insaanka, colaadaha
qawmiyadaha ama beelaha ka dhex taagan, sida
nabad loo abuuri karo, dac-darada haweenka
iyo carruurta, xaaladda dhaqaale iyo bulsho,
doorka hay’adaha samafalka iyo kaalinta
ururada bulshadu ay ka qaadan karaan
horumarinta Ogaadenya.
Waxaa
halkaas warbixin ka soo jeediyey hay’adda
Amnesty International oo ka warantay
xaaladda xuquuqul insaanka ee ka jirta dalka
Ogaadenya iyo sida ay dawladda Itoobiya ay
ugu xad gudubto xuquuqda dadwaynaha guud
ahaan Itoobiya gaar ahaana Ogaadenya.
Waxaa
kaloo halkaas ka hadlay Fowsiya Abdiqaadir
oo ah gabadh u ololaysa xuquuqda dumarka iyo
carruurta isla markaana ah madaxa xafiiska
Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ee
Canada. Iyaduna waxay si buuxda uga warantay
ku xad gudubka xuquuqda haweenka iyo
carruurta dalka Ogaadenya.
Ogaden
Online News/Radio Xoriyo |