|
|
|
|
|
Shir
kadhacay magaladda Perth ee Waddanka Australia |
Dec 30, 2007
Wararka naga soo gaadhay magaaladda Perth ee
galbeebka Australia ayaa sheegay in ay manta
kulan isugu yimaadeen Jaaliyadda Ogaadeenya
ee Galbeedka Australia, kulankan oo ay
Jaaliyadu kaga wada tashan hayeen wax
qabadka jaaliyadda ayaa waxaa goob jog kahaa
Wariya Qorahay Online uga soo warama
Waddanka Australia noona soo gudbiyay
warbixintan.
Waddanaka Australai & New Zealand oo
sanadkiiba mar kulan isugu yimaada ayaa
waxaa sanadkan lagu qabanayaa kulankii
Jaaliyaddaha Ogaadeenya ee Australia & New
Zealand magaaladda Perth..
Hadaba maanta oo taarikhdu ay tahay
30/12/2007 waxaa kulan heersare ah isugu
yimid Jaalaayada Ogaadeenya ee Galbeedka
Australia magaalada Perth waxayna ka wadda
arinsadeen qodobo dhowr ah wuxuuna shirku u
dhacay sidan.
Waxaa ka warbixiyay wax qabadkii Jaaliyadda
gudoomiyaha unuga Mudane Ahmed Dalmar oo ku
dheeraaday wax qabdkii Jaaliyadda ee
sanadkan dhamaaday, wixii u qabsoomay, kadib
waxaa la guda galay shirka sanadkan lagu
qabanayo Perth sidii loo qaban lahaa taas oo
dood dheer & falan qayn ka dib la doortay
gudi shan xubnood ah oo loogu magic daray
Gudiga Qabanqaabada Shirka, gudigaas oo soo
jaangoyn doona siduu shirku u dhici lahaa.
Sidoo kale waxaa shirka laga wada tashaday
sii xoojinta abaabulka Jaaliyadda & sidii
loo dar-dar galin lahaa wax qabadka
Jaaliyadda ee sanadka 2008, Waxaa kale oo la
isla gartay sii xoojinta Jaaliyadda & in la
garab istaago marwalba dadaalka ay waddo
Jabahdda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo ah
sidii loo gaadhsiin lahaa xoriyad shacabka
dulman ee uu gumaysiga Itoobiya ka reebay
qayrkooda kuna hayo dhibaato maalinba
maalinta ka dambaysa sii kordhaysa taas oo
maanta maraysa in sabab la’aan shacabka la
laynayo lana gumaadayo loona diday in ay
nolaadaan.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia
ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxay
kordhiyeen abaabulka ay ku jiraan oo laga
dareemi karo dhamaan gobaladda waddanka
Australia.
Maax Ibrahim
Qorahay Online |
|
|
|
|