Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo xalay Gabadh gurigeeda lagala baxay
Aug 30, 2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in xalay xaafada Jaraaqato ee Jigjiga gurigeeda lagala baxay Gabadh magaceeda oo buuxa aanan haynin oo naloogu sheegay in lagu magacaabo MAADH. Gabadhaas ayaa waxaa la geeyey sida la sheegayo Xabsiga lagu magacaabo Xabsiga Degmada.

Dhinaca kale, Maamulka Jigjiga ayaa waxaa beryahan oo food saarey Jahawareer. Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in la diyaariyey 15 nin oo a mid ah Maamul ku sheegaas laga xayuubin doono aqoonsiga baarlamaanimada, kadibna xabsiga loo taxaaabi doono. Sida warku sheegayo 6 ka mid ah nimankaas ayaa waxay ka soo jeedaan Gobolka Noggob.

Wararka kale ee iyaganu ka imanaya Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in Baabuur ganacsi wadey oo halkaas lagu haystey ay weli xidhan yihiin, iyada oo loo sheegay Mulkiilayaasha Baabuurtaas in aan loo sii deyneyn baabuurtaas.

Baabuurtaas ayaa waxaa saaraa raashin aad u badan oo loogu talagalau bisha barakeysan ee Ramadaanka.

--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.