Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir Sanadeedkii Jaaliyadda Seattle

Dec 28, 2007 Shir aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku dhaqan nawaaxiga magaalada Seattle ee wadanka Maraykanka ayaa ka dhacey Seattle, WA.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada, dad waynahaas oo ka kala yimid goboladda Washington, Origon iyo dadwayne ka yimid Vancouver, Canada

Shirkan ayaa waxay Jaaliyadu ku soo bandhigtay wax qabadkii sanadka iyo hawlihii ay qabatay Jaaliyadda sanadkan .

Shirkan ayaa waxa warbixin balaadhan ka soo jeediyey gudoomiyaha Jaaliyadda Seattle, warbixintaa oo dhinac badan taabanaysa ayaa gudoomiyahu wuxuu aad ooga warbxiyey guulahii iyo wax qabadkii Jaaliyada. waxaana si aad ugu riyaaqay warbixintaas dadwaynihii shirka isugu yimid.

Dhinaca kale, waxaa shirka ka soo qayb galay madax sare oo ka tirsan JWXO oo uu ka mid yahay ku xigeenka Hogaanka Arrimaha Dibada , iyo masuuliyiin kale oo ka kala yimid qaybo ka mid ah Goboloda dalka Maraykanka

Shirka ayaa waxa si aad ah warbixino kala duwan uga jeediyey madaxda iyo mas’uuliyiinta shirka ka soo qayb gashay iyo waliba marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka oo ay oogu horeyso masuul ka tirsan xafiiska duqa magaakda Seattl.

Waxaa iyana xusid mudan Jaaliyadda walaalaha Oromiya ayaa waxaa si aad ah ooga soo qayb gashay shirka iyagoo ku muujiyey kaalinta taageero ee ay u hayaan shacabka dulman ee Ogaadeeniya

Guud ahaan shirka ayaa waxaa uu ku dhamaaday guul iyo jawi aad u qurxoon waxaana madashii shirka la isku raacay lagana soo saarey go’aamo wax ku ool ah oo dhaxal u noqon doona horumarka jaaliyada, go’aamadii shirkana waxa ka mid ahaa

  1. In Jaaliyadu sii labann laabto wax qabadeedka sanadka soo socda iyado walinba dar dar galin doonta hawlaha Jaaliyadda
  2. In la laban laabo kaalinta Jaaliyadda ay kaga jirto taageeridda halganka shacabka Ogaadeeniya ee ay hormuudka ka tahay JWXO
  3. Jaaliyaddu waxay si cad ugu soo jeedinaysaa in dhamaan bulsha wayntamcaalamka ay si degdeg ah ugu gurmadaan shacabka xasuuqa lagu hayo ee Ogaadeeniya
  4. Jaaliyaddu waxay si cad uga soo horjeeda una canbaaraysaa dhamaan tacadiga ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ka wadaan gudaha Ogaadeeniya
  5. Jaaliyaddu waxayy bulshada Ogaadeeniya gudaha iyo Jaaliyaaddka dibada u soo jeedinaysaa in ay si wada jir ah uga hortagaan una fashiliyaan dhamaan khiyaanooyinka cadawgu maleegayo

Shirkan oo ahaa midkii oogu horeeyey ee ay Jaaliyaddu qabato ayaa waxa lagu tilmaami karaa mid aad u qiimo badan, si aad ahna loo soo abaabulaya dhamaan dadwaynihii ka soo qayb galayna waxaa laga dareemi karaa wajiyadooda in ay aad oogu diirsadeen, iyagoo balan qaadey in ay dhamaantood taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagi doonaan halkganka uu shacabka Ogadeniya ku doonayo aayo katashigiisa

DAAWO SAWIRADA SHIRKA

Radio Xoriyo,
Seattle, WA

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.