Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Qarax ka dhacey Xarunta Booliska ee Jigjiga

Sept 28, 2008 Wararka ka imanaya Magaalada Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in qarax xoog badan ka dhacey Hotel ku yaala Magaalada Jigjiga, Hotel-kan oo lagu magacaabo Andenet Hotel. Qaraxaas ayaa  galaaftey 3 qof oo halkaas ku naf baxay, waxaana dhaawac soo gaadhey 20 qof oo qaarood il daran yihiin.

Qaraxan ayaa ka dhashey walxaha qarxa oo lagu qariyey goob qashinka la dhigo oo Hotel-ka hortiisa ah. Siada wararku sheegayaan Hotel-kan ayaa ah mid ay aad u yimaadaan Madaxada Itoobiyaanka iyo dadka xiriirka ganasi la leh.

Nin u hadley Booliska Itoobiya ayaa falkan dusha kaga tuurey in ay ka mas'uul yihiin Xoogaga ONLF oo dgaaal adag kula jira Ciiidamada Itoobiya ee ka hawl gala Ogadeniya. Balse Warsaxaafadeed ay soo saartey Jabhada ONLF ayey eedaas iskaga fogeysay, iyada oo sheegaty "In aysan eeda loo soo jeediyey ahayn mid sal iyo raad leh, isla mraakan lid ku ah dagaalka xaq u dirirka ah ee ay ku jirto ONLF". Sidoo kale, ONLF waxay sheegtay "in aysan dhaqankeeda ahayn in ay wax yeelayso dadka shacabka ah". Warsaxaafadeedka ONLF wuxuu intaas raaciyey "In ay aaminsantahay in falkan uuu yahay mid ay ka dambeyso Ciidamada Itoobiya ama gacan yarayaasheeda maamula Jigjiga, taas oo loogu talagalay in wax loo dhimo sumcada ONLF ee ah u dagaalanka xagaqa shacabka Ogadenia".

ONLF waxay intaas u dartey "In falkan noqon karo mid ay Xukumada Itoobiya ku dooneyso  mid ay ku caqabadeyneyso dadaalka beesha caalamku ugu jirto sidii ay Ogadenia uga qaadi lahayd cunaqabetynta saaran oo loogu ogolaan lahaa in ay ka hawl galaan Hayada aan dawliga ahn ee gar-gaarka iyo saxaafada madaxa banaan:.

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.