|
|
|
|
|
Magaalada Dhagaxbuur oo Todobaadkan dad badan
lagu xidhey |
Sept
27, 2008 Ciidanka
gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala magaalada
Dhagaxbuur ayaa isbuucan gudahiisa ku
xidhxidhay dad shacab ah oo tiro badan
magaalada Dhagaxbuur, dadkaas ayay
magacyadooda nagasoo gaadheen:
1.Aamina Raabi,
2.Rooda Maxamad Xasan
3.Fartuun Cumar
4.Ruqiya Maxamad Cadar
5.Sheekh Axmad Maxamad
6.Gurey Xasan faarax.
Dadkan ayay ciidanka gumaysigu ku amreen
inay madaxfurasho bixiyaan, hasayeeshee
maxaabiista ayaa ku adkaystay inaysan wax
laaluush ah bixinaynin maadaama wax dambi ah
aysan galin oo la iska soo xidhay, kadib
ayaa la geeyey maxkamad ku sheegta Ciidamada
Itoobiya iyagoo aad ugu cadhaysan.
Dhanaca kale, waxaa maalintii Arbacada ahayd
24-09-2008 laga soo qaaday Dhagaxbuur
maxaabiis dhan 30 qof oo isugu jira rag iyo
dumarm kuwaas oo loo qaadey Xabsiyada ku
yaala Jigjiga.
Maxaaiistaas ayuu wariyaheenu noosoo sheegay
in la xukumay laba gabdhood oo kamid ah oo
magacyadooda naloogu soo gaabiyey
Fardowsa iyo Qureesh laguna kala xukumay
3 ilaa 7 sano oo xadhig ah iyaga oo aan wax
dambi ah lagu soo oogin
--Ogaden Online News |
|
|
|
|