Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Odey Dhaqameedyada ka soo jeeda Ogadeniya oo kulan ku yeeshay Minneapolis

Dec 26, 2007 Maalintii Sabtidii ee Dec 22, 2007 ayaa waxaa shir balaadhan isugu yimid Odeyo iyo aqoonyahano u dhalatey Ogadeniya. Shirkan oo ka dhacey Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Odey Dhaqameedyada Gobolkaas degen.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii loo garab istaagi lahaa halganka shacabka Ogadeniya ugu jiro aayo katashigiisa, isla markaana taageero buuxda loo siin lahaa Ururka Gobonimodoonka ee JWXO.

Kulankan oo ahaa mid si heersare ah ay u soo abaabuleen rugcadaaga Ogadeniya ee Minnesota ayaa waxay aad ugu falanqeeyaan ugana xaajoodaan dhibaatada ka socota Ogadenya iyo siday uga qaybqaadan lahayeen, una gudan lahaayeen  waajibkooda kaga adaan halganka iyo u gargaarida shacabka dulman ee Ogadeniya.

Shirkan oo ahaa mid qiirabadan ku dhaliyay farxad iyo raynrayna ay kamuuqatay wajiyadii shacabkii nasiibka u yeeshay inay ka soo qayb galaan ayay Odayada Ogadeniya ee Gobolka Minnesota ka soo saareen war murtiyeed ay ka mid yihiin qodobadan;

  1. In la ogaado in cadowga kaliya ee soo jireenka ah ee ay ummada Ogaadeeniya leedahay ay tahay gumeysiga Itoobiya ee TPLF ay madaxda ka tahay, loona baahan yahay in lagana foojignaado tabaha ay ku hirgalinayaan qorshayaasheeeda guracan ee gumeysiga ah.
  2. Si looga hortago danaha gumeysiga waa in shacabka reer Ogaadeeniya ilaaliyaan midnimadooda.
  3. Aduunka nabada jecal waxaan ka codsanaynaa in si buuxda afti looga qaado shacabka dulman ee Ogaadeeniya si ay aayahooda uga tashadaan.
  4. Waxaan u mahadcelineynaa dawlada Mareykanka, UN-ta iyo Midawga Yurub (EU) dadaalka bani'aadami ee ay gaadhsiiyeen shacabka dulman ee reer Ogaadeeniya, waxaana ka codsaneynaa inaynan ku ekaanin hawlo bani'aadaminimo oo kaliya oo loo diro ciidamo nabad ilaalineed oo suga Amaanka Shacabka dolman ee Ogadenya.
  5. Waxaan shaki ku jirin in shucuubaha faraha badan ee kala diimaha ah ee ay gumeysato Itoobiya ku wada noolaan karaan nabad iyo xasilooni, waxayse arintaasi suurtagal noqon kartaa oo kaliya makey kuwa laga tirada badan yahay ka tanaasulaan gumeysiga khasabka ah oo qowmiyad kastaana aayaheeda si xor ah uga tashadaan.


Shirkan ayaa waxaa la odhon karaa wuxuu ahaa mid sifican u dhacay ahaana guul u soo hooyataya shacabka dulman ee Ogadenya.

Odayada Ogadenya ee Gobolkan Minnesota ayay ka go'antahay taageerida halganka iyo abaabulka shacabke reer Ogadenya ee qurbaha iyo gudaha Ogadenyaba ku nool, sidoo kale Odayada Ogadenya ayaa si aad ah ugu nuuxnuuxsaday sida ay uga go antahay inay gogol u fidiyaan dhamaan Odayada Ogadenya ee ku nool qaaradan Waqiiyiga Amerika (North America) mustaqbalka dhow ee fooda inagu soo haya si ay u mideeyaan cududa iyo caqliga shacabka Ogadenya.



Ka soo qaybgalayaasha iyo kuwa shirkan qabanqaabadiisa iyo qorsheyntiisa gacanta weyn ka geystay waxaa ka mid ahaa;

  1. Caaqil Mohamud Cunshur

  2. Caaqil Yusuf Gamaadiid

  3. Hussein Mataan

  4. Sayid Hassan Nuur Sayid Abdullahi

  5. Caaqil Abdullahi Abdi Yare

  6. Caaqil Mohamed Omar (Gaange)

  7. Sheikh Abdi Yusuf

  8. Ugaas Nuur Ali Abshir

  9. Caaqil Muxumed Dhicis

  10. Suldaan Garaad Suldaan Cali Sonkor

Mohamed Darba wayne,
Radio Xoriyo
Minneapolis, Minnesota.

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.