Waxaa arrin
laga murugooda ah dhacdada foosha xun ee
Garowe ka dhacday 22kii Abriil 2008.
Maamulka Puntland, isaga oo ku raali
gelinaya taliska dhiigya cabka ah ee Addis
Ababa ayuu taariikhda kor ku xusan cadowga
ma naxaanka ah gacanta u geliyey muwaadiniin
Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa kale oo
Maamulkaasi xabsiga Boosaaso si silic ah ugu
dilay muwaadin ka mid ahaa jaaliyadda
Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool Bosaaso.
Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay,
xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee
labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo
ay dhacdadani si weyn u dhaawacayso. Taas oo
markhaati u ah maamulka Garowe inayna matlin
danaha shacabka soo doortay ee ku nool
Puntland.
Taliska gacan ku dhiiglaha ahi kama goomana
(kamana gaajaysna) dhiiga shacabka aan wax
galabsan ee Somalida Ogaadeenya. Wuxuu si
naxariis darro ah u gumaadaa shacabka aan
difaaca haysan. waxaa xabsiyada gumeysiga ka
buuxa kumaan-kun oo Soomaalida Ogaadeenya ah
ujeedada ay gumeysatada Itoobiya ka leedahay
in masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya ah
laga soo qabto Puntland ama gobol gobolada
Soomaaliya ka mid ah waxay tahay.
- Inay
colaad kala dhex dhigto labada shacab ee
walaalaha ah sida ay Shacabka
Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda
sokeeye u dhexdhigtay.
- Inay
la kaashato Soomalida isku daygeeda
burburinta halganka xaqa ah ee shacabka
aan la loodin karin ee Soomaalida
Ogaadeenya ugu jiro xaqa aayo ka
talintiisa. Taas ooy geed dheer iyo mid
gaabanba u fuushay, horeyna ugu
dhaqaaqday hase ahaate ay ku guul
daraysatay.
Maamulka
Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama
fahmaan iyo natijada ka iman karta wax xil
ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro
ah oo naxdin leh. Maamulka Puntland waxaad
moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah
inay Itoobiya tahay cadowga koowaad ee
shacabka Soomaaliyeed oo dadka Puntland ka
mid yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in
Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la
tiriyo ka hadhay oo aysan ahayn kii maanta
loo duloobi lahaa. Waxaan u aragnaa in
Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey,
talaabadaa uu qaadayna ayna marna hakinaynin
halganka Gobonimadoonka ah ee shacabka
Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay shacabka
aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo
innaba aan ka diirin ganacsiga iyo dilka uu
maamulkoodu kula kacay dadka soo magan galay
ee cadowga naxdinta daran ka soo cararay.
Cambaarayn
Annaga oo ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku
nool wadanka Australia waxaan aad u
cambaareynaynaa
- Falkan
foosha xun ee maamulka Puntland uu
gacamaha dhiiga leh ee gumeysiga
Itoobiya ku geliyey mawaadiniinta
Ogaadeenya.
- Waxaan
aad u cambaaraynaynaa Mohamed Yuusuf (Gaagaab)
oo ah ninka u badheedhay dhacdadan
foosha xun hadana isku dayay in uu
dafiro wax sida dharaarta loo arko
waxaanan leenahay gojoxo geel wax gunti
la galiyo kaweyn waana taariikh adiga
kuu gooni ah.
Waxaa
layaab iyo fool xumo weyn ah bulshada ku
dhaqan magaalada Garoowe ee culimo,boqoro,
cuqaal,iyo aqoonyahan leh in ay ka dhiidhiyi
waayaan xadgudubka loo gaystay dad
walaalohood ah oo marti u ah isla markaasna
uu Maamulkii dhiibayi dafiray iyaguna ay
goob jog yihiin.
Hadaba hadii ay reer Garoowe sidaas xaajada
ku daayaan waxaanu u qaadanyaa in ay ku
raali yihiin dhacdadan taariikhida madaw
galisay magaalada garoowe.Waana dhacdo
Soomaalida Ogaadeenya meel ay joogtaba ku
reebtay uur kutaalo iyo tiiraanyo in badan
al xusuusnaan doono lagana xisaabatmi doona.
Waxaanu xusuusinaynaa Shacabka Puntland
hadii faa’iido lagu helayo kaganacsiga dadka
Ogaadeenya ama ay Itoobiya abaal ka celin
waxaa faa’iido ka heli lahaa maamulkii
jidkan suneeyay ee W/Galbeed waana laga
dharagasnyahay cawaaqib xumaday ay reebtay.
Talo
Waxaanu ognahay xidhiidhka soo jireenka ah
ee ka dhexeeya labada shacab oo ah mid lagu
soo caana maalay, waxaadna modaa dad dano
gaar ah leh in ay wataan raali galinta
Itoobiya oo ay iska indho tireen waxa ka
dhexeeya labada shacab. Hadaba waxaan ku
talinaynaa in ay iska qabtaan shaqsiyaadka
sida hoose Itoobiya wax ugu sheegtay,.
Ugu damabyntii Shacbiga geesiga ah ee
Ogaadeenya wuxuu hayaan ugu jira
gobanimadiisa wuxuuna balan qaaday in uusan
cidna uga weecanaynin hadafkiisa.
Waxaan u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo
kuwa garab taaganba in guusha kama dambaynta
ah uu leeyahay xaq u diririka Ogaadenya.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay
cambaareeyaan falka xuquuqul insaanka ka
dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee
dad aan dambi iyaga ka gelin cadowgooda u
dhiibay.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Waddanka Australia |