Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo xalay dad guryahooda lagala baxay

Dec 25, 2007 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya guryahooda kala baxeen dadka shacabka ee kala ah
  1. Xasan Xaashi Aadan
  2. Cabdi Maxamed Cali (Cabdi Duquri)
  3. Bilaad Xasan
  4. Ruqiya Xasan Raabi
  5. Cabdifataax Dhakaako

Xalay ayaa waxaa magalada JigJiga lagu dilay nin Tigree ah oo cooshad ku lahaa Isbitaalka weyn ee Magaalada Jigjiga agtiisa, ninkan oo aan la garanaynin cid dishay ayay dadka magaalada Jigjiga ku tilmaameen in uu ahaa sargaal sare oo dhar cad ah oo cooshada ku raad gadanayey.

Dilal qorshaysan ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya magaalada Jigjiga iyadoo todobaadyo ka hor lagu toogtay magaalada 2 nin oo kamid ah ahaa Booliiska maamulka Dabaqoodhiga.

Toogashada ninkaas ayaa waxaa la isla dhex marayaa in uu dilkiisa ka dambeeyey nin Axmaar ah, ninkaas  oo lala xidhey dadkan shacabka ah.

Dhinaca kale,  waxaa maanta xabsiga laga sii daayey kadib markay madax furasho laaluusha ah bixiyeen oo u dhaxaysa 2000-5000 oo bir, Maxamed Sheekh Aaden iyo Mulki Sheekh Saalax.

Madax furashadan laaluusheed ayaa bilaabatay bil kahor markii lagu siidaayey Garaad Xassan Axmed Makhtal oo laga qaaday laaluush dhan 2000 oo bir 2 usbuuc kadibna xabsiga lagu celiyey isagoo aan wax dambi ah lagu soo eedaynin.

--Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.