Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Riwaayadii "Xasuuqii shacabkayga xisaabaa ka danbeyn" oo ka dhacdey magaladaToronto ee dalka Canada
Dec 24, 2007 Maalintii Sabtida ee bisha December ay ahayd 22, 2007 waxaa magalada Toronto ee dalka Canada ka dhacday Riwaayadii la magac baxday “Xasuuuqi Shacabkayga Xisaab baa ka dambayn” oo ay soo diyaariyeen Ururka Ogaden Students Forum ee U.K, waxaana soo qabanqaabiyay Ururka Ogaden Youth Association of Canada. Riwaayadaas oo lagu qabtay Hotelka Holiday Inn oo u dhow Toronto International Airport, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u farabadan oo isugu jiray Jaaliyada Ogaadeeniya iyo kuwa Jamhuriyada  Somaliya ee ku nool Toronto iyo agagaarkeeda.

Hadaba mudadii ay socotay riwaayada waxa ka muuqatay dadka wajiyadooda cadho, murogo iyo farxad ay ku jirtay sacab iyo sawaaxan aad u heer sareeyay, iyaga oo mararka qaar la heesaayay fanaaaninta jilaysay riwaayada.

Gabagabadii dadweynihi ka soo qaybglay riwaayada waxay isku raceen in ay riwaayadani matalaysay xaalada dhabta ah ee uu ku suganyahay Dadka iyo dalka Ogaadeenya. Dardar cusubna ay galin doonto halganka shacbka Ogaadeniya ugu jiro aayo katashagiisa.

Furitaankii riwaayada ka hor waxaa warbixin ka bixiyay ujeedada riwayada Dr. Abdirahmaan Yusuf oo ah aqoon yahan iyo Odey dhaqameed ka mid ah Jaaliyada Ogadeniya.

Riwaayadan oo laga soo dhigey Magaalooyinka Seattle, Sandeigo, Minneapolis ayaa lagu soo gabagabeeyay magalada Toronto ee dalka Canada.

Isku duhawaha Guud ee Ururka Dhalinta Ogaadeeniya Maxamed Ali (Ordaaye) ayaa wuxu u mahad celinayaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay qabanqaabada riwaayada iyo labada idaacadood ee Radio Ogaal iyo Codka Beesha Soomaaliyeed oo ogaysiiyay dadweynihii ka soo qaybgalay.

--Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.