Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Munaasabad Deeq aruurin ah oo ay qabteen Dhalinyarada Ogadeniya
ee San Diego

July 24, 2008 Ururka Isku xidhka Dhalinyarada Ogaadeeniya ee Magaalada San Diego (OYN San Diego) ayaa waxay magaalada San Diego ku qabteen Munaasabad Deeq uruurin loogu sameeyay agoonta reer Ogadenia ee ku dhaqaan xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab (Ifo, Dhagaxlay iyo Xagar dheere).

Munaasabadan ayeey Dhalinyaradu waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin soojireenka halganka taariikhiga ah ee Soomaalida Ogaden, Gabayo, Guubaabo, heeso, Riwaayad iyo waliba Dhaantooyin.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Dhalinyaro aad u farabadan oo u dhashay Ogaadeeniya. Ula jeedada ay Dhaliyaradu u qabteen munaasabadan ayaa waxay ay tahay in ay u adkaysan waayeen wararka ka soo gaadhaya xeryaha qoxootiga ee loo yaqaano Dhadhaab Camps (Ifo, Dhagaxlay iyo Xagar-dheere).
Kuwaas oo sheegaya in ay xeryuhu labuux dhaafeen dadka reer Ogadeenya ee uu gumestuhu ka soo barakiciyay dhulkoodii hooyo. Waxaa dadkaas ka mid ah agoonta oo iyagu wax u gargaara aan haysanin oo waalidkood qaar hortooda lagu dilay. Hadaba uruurka OYN San Diego ayaa waxay u guntadeen, go'aana ku gaadheen sida ay wax ugu qaban lahaayen walaalohooda dhibaataysan, lana garabistaagi doonaan wixii hiil iyo hooba ah.

Ururka ayaa waxa ay xiriir layeesheen isla markaana lashaqayn doonaan Jaaliyadda Afrikada Barri ee Soomalida reer Ogaadeeniya. Iyaga oo hirgalindoona Project lagu magacaabo SAVE THE OGADEN CHILD. Waxaana ilaa iyo hada la diiwaan galiyay 800 boqol oo agoonta reer Ogadenia ah, loona qoondeeyay xarun ay ku noolaadaan. Xaruntan ayaan wali la sheegin goobta laga dhisidoon hase ahaatee waxaa lafilayaa inay noqon doonto isla qoxootiyada dhaxdiisa. Hadaba Dhaliyarada OYN San Diego ayaa waxay ku guubaabinayaan dhamaan Dhaliyarada qurbaha ku nool ee reer Ogaadeeniya inay kaqayb qaataan barnaamijkan. Waayo ayeey yidhaahdeen Dhalintu waa lafdhabarta bulshada iyaga ayaan u maqan dadkooda iyo dalkooda. Cid 'alla ciddii rabta inay wax tarto dadka reer Ogaadeeniya ee dhibaataysan hala xidhiidhaan Jaaliyadda Afrikada Barri ee Soomaalida reer Ogaadeenia oo aad kala xidhiidhi kartaan


--Ogaden Online News





 




 

@ Ogaden Online News
 

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.