|
|
|
|
|
Xuskii sanad guuradii 24 aad ee JWXO oo lagu
qabtay Wadanka Koonfur Afria
|
Maalintii
arbacada ahayd 20/08/2008 ayaa waxaa la
qabtay xaflada siweeyn loo soo agaasimay oo
lagu maa muusayo sanad guuradii 24 aad ee ka
soo wareegtay aas aaskii jabhada wadaniga
xoreeynta ogaadeen halkaas oo lagu soo
badhigay barnamij isugu jira khudbado,ruwaad,
iyo sawiro muujinaya xalaad dhabta ee ka
jirta ogaadeenya.
Xafladan waa laga shin tiranayay intii muda
ah, waxaanad magaalada ka maqlaysay iyadoo
la hadal hayo xiliga ay ku soo beegan tahay.
Waxaa laqabtay xili fid ah oo dadku ay inta
badan shaqooyinkii ka soo baxeeyn, iyadoo ay
jirto in xiliga habeenimada ay dhibadan
tahay ila socdo hadaana barnamij kani wuxuu
hardiyaay saqdii dhexee ee habeenkii xalay
ahaa.
Wuxuu ahaa mid sooo jeetay laabta iyo indha
dad badan oo jecel xoriyad gaadhsiinta
ummadda dulman ee Ogaadeenya.
Intaan la furin xalaflada waxaa soo galay
Madax sare oo ka mid ah jabhadda wadaniga
xoreeynta ogaadeenya waxaana lagu soo
dhaweeyay sacab iyo sawaxan waxana
dadweynaha ka muuqday farxad iyo rayn rayn,
Sida caadi ah waxaa furay Muxumed Ibraahin
Muxumed (Qonbar) a waxaa lagu soo dhaweyay
sheikh c/laahi carab ku bilabay wacdi diina
ah oo dadka si qiiro ku jirto u wacdiyay
waxaa uu sheekhu diirada saaray xaqsanida
halgan Ogaadeeniya, kaas oo ku tilmaan in uu
ku dhisan yahay taageerada shacabka
ogaadeenya mar sheikh la hadlay dadka wuxuu
yidhi " haddii aydan taageerin halganka ay
jwxo wado, ayaa tageeri lahaa" taas oo
macneehad uu la jeeday in aan cidna u maqnay
ceelna u qodnay Ummadda ogadeenya, Hadalka
sheikh kadib waxaa lagu wareejiyay kooxdii
dhaliyadda jaaliyadda Ogaadeenya halkaa ka
qaaday heestii calanka ogaadeenya dadku ay
kor u wada istageen
Dhamaadkii heesta waxaa ma karoofanka qaatay
ugaaska ka mid ah odayada dhaqkan ee wadan
ka south Africa ah gudoomiyaha beesha Absame
Ugaas maxamed cabdi (Qooqaani,)
Mar uu lahadlay dadkii meesha isugu yimid oo
tiradood kor u dhaafaysay ilaa 800 qof wuxuu
kala hadlay sida haboon ee lagu soo dhaweyay
wuxuu si taabtay in sheeko soomaali
dulucdeed ahayd in dadku ay ku faro adkaadan
halganka intii muddo ah soo jiray kaas oo ah
mid umadda dhaxalsiinaya xoriyadooda,
Intaa kadib waxa si diraan loo soo dhaweeyay
Maxamed Daahir oo ahaa Madax faraca
Johannesburg, mahadnaq uu u jeeday
bulshawaynta goobta fadhida kadib waxaa uu
ka hadlay taariikhda ummaada ogaadeenya ee
uu gumaysigu ragaadiyay wuxuu sheegay "in
Ogaadeenya ay ahayd xor intii uu san imanin
Afrika gumaysiga reer yurub"
Wuxuu inta ku daray taariikh taxane ah oo
Ogaadeenya xiliyadda la qabsaday iyo
qababkii la isug wareejiyay,
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ummadda
ogaadeenya ayna marna u dulqaadn dooni
gumaysi iskana dulqaadi doonto mustaqbalka
dhow.
waxaa hadalkii lagu wareejiyay Gudoomiye
kuxigeenka Jwxo Halgame Maxamed Ismaaciil
Cumar oo siwayn loo tiigsanayay waxaa
bilaamay sacab iyo sawaaxan aad u dheer
amaan iyo boogaadin loo soo jeediyay
dadweynihii meesha fadhiyay iyo jaaliyadda
Ogaadeenya ee South Africa midaas uu
gudoonshu ku sheegay in uu aad u la dhacsan
yahay si fiican ee loo soo dhaweeyay sanad
guurada 24 aad ee ka soo wareegtay aas
aaskii jabhadda wadaniga xoreeynta
Ogaadeenya wuxuu hoosta ka xariiqayn in ay
jaaliyadda Ogaadeenya ee koonfurta africa ay
tahay halbowlayaasha waraabiya halganka
Ogaadeenya, isaga sii wada hadalkiisa ku
daray intaas in maanta ay tahay xiligii ugu
haboon ee ummaada reer ogaadeenya gumaysiga
iska celin lahayd.
G/K1 wuxuu kale uu warbixiyay howlaha guud
ee ka jira Ogaadeeenya wuxuu iftiimayay
xasuuq ka socda Ogaadeenya kaas oo uu gudhin
u ah gumaysidiidka ka jira ogaadeenya oo
taliska dhiig yacabka ah ee tigreegu uu ku
doonayo in uu shacabka ku qab jabiyo ayuu
yidhi Gudoomiyuhu,
Wax yabaha uu kahadlay mas'uulku halkan
laguma soo koobi karo, wuxuuna si wayn uga
warbixiyay dhinacyo badan ay kamid tahay
siyaasada,abaabulka, howlaha lagudboon Jwxo
in ay qabato wakhtiyada dhow.
Khadbad yaab leh oo la la dhacay ayuu soo
jeedayay hagaanka Arimaha Dibada Jwxo
Halgame C/raxmaan sheikh mahdi(Maaday)
Hogaanku wuxuu soo badhigay warbixin aan
hore loo arag ooy ku jiraan sawiro
muujinayay dhibka lagu hayo iyo macaaluusha
ka jirta Ogaadeenya kuwaas oo dadkii meesha
fadhiyo kuriday tiiraanyo iyo walbahaar aan
badhkood markii hore ku jirin.
Wuxuu c/raxmaan si waafi ah u soo saar
shaashada u soo saaray cuduuda halganka
Ogaadeenya ay kaga jiraan wuxuu tusay
dadweynhii sawiro farabadan oo uu ka
tilmaamay Xaliimo Afjar oo ahayd gabadh ku
shihiiday halganka Ogaadeenya iyada iyo
gabdho kale isagoo sii wataa wuuu yidhi "khayraadka
Ogaadeenya sida Ugaadha, xoolaha nool, iyo
macdan kale ee ogaadeenya dhex ceegagta
waxaa iska leh dulmaanyaal inga"
wuxuuna ku soo gabagaabeeyay gabay uu
tiriyay Abwaan Xaliye kaas oo dareenka dadka
kiciyay.
RUWAAYAD
waxaa goobta la keenay Ruwaayada loogu magac
daray Maali wayday nafta maaree, waxaa
abwaanka ka ahaa c/laahi maxamuud Faraax (c/laahi
bidaar) waxaana ma taliyay dhaliyaradii
jaaliyada ogadeenya kuwaas wacdaro ka
muujiyay goobti, muuqalka hab masrixiyeedku
wuxuu ahaan hanan aad loo soo hufay waxana
dadka aragiisi iyo muqalkiisiba dhagag ku
reebtay qaar ka mid ah muuqalada sida
heestii "diidiimayno geerida dufulaha
gumaysigu intuu joogo dagaladeena" iyo mid
uu jiyaalay nin isku mataliyay xabashi oo
markii laga itaalriinaday sheegtay in uu
yahay nin muslimah kadibna layidhi ashaado
isaguna yidhi "sami'allahu liman hamiida"
dadkii meesha fadhiyay waxaa laga daaday
kuuraasidii qosol dartii.
Kuma soo koobi karo kobtan ee waxaa a dhargi
lahayd malaha adigoo daawada cajaladeedii .
Guud ahaan jawagii guud ee ay ku dhamaatay
xaladu wuxuu ahaa mid aan la qiyaasi Karin
kaas oo dadku goobtii ay sii fadhiyeen
xiisaha ulahaa markii ay dhamaatay
ruwaadyadii
>>Sawirada dib ayaan ka soo gelin
doonaa>>
--Ogaden Online New |
|
|
|
|