Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Ugaas Abdiraxmaan Ugaas Muxumed oo laga qaadey xeradii uu ku xidhnaa
July 21, 2008 Warar aan ka helay magaalada Godey ayaa sheegaya in Ugaas Abdiraxmaan Ugaas Muxumed Qani laga sii qaaday xeradii uu ku xidhnaa oo loo sii qaaday meel aan la garanayn. Askartii ilaalinaysay ayaa ku wargalisay ehelkii iyo asxaabtii inay soo doontaan alaabtiisii. Wax kale oo faahfaahin lagama hayo xaalka Ugaaska. Dareenka dadwaynaha magaalada ayaa aad u kacsan. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay xadhigga Ugaaska waxaa sababay ka dib markii uu diiday inuu wax ka saxiixo qorsho lagu dajinayo dhul beereedka Godey 200,000 oo qoys oo laga keenayo qawmiyadaha kale ee Itoobiya.


--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.