Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Jaaliyada Ogadenya oo kulan gaar ah layeelatay Congressman Donald Payne.

March 24, 2008 Kadib shirkii ka dhacay magaalada Minneapolis galabnimadii Isniinta ee ay soo qabanqaabiyeen Qowmiyadaha dagan Geeska Africa ee ay dulmiga ku hayso maamulka gardarada ku caanbaxay ee Ethiopia, waxay jaaliyada Ogadenya Subaxnimadii Talaadada ee March 18, 2008 fursad u yeelatay inay kulan gaar ah la layeelato xildhibaanka laga soo doorto gobolka New Jersey ee lagu magacaabo Congressman Donald Payne.

Kulankan ayaa waxaa jaaliyada Ogadenya hogaaminayay Oday dhaqameedyada Ogadenya oo dadaal badan kawada Waqooyiga America, una guntaday sidii ay bulshadooda dulman caalamka ula socodsiinlahaayeen.

Oday dhaqameedyadii kulankan ka soo qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa cuqaashta kala ah;

1- Caaqil Maxamud Cunshur
2- Caaqil Sheikh Abdi Yussuf
3- Caaqil Cabdullahi Cabdi yare

Dhinaca Hooyooyinka Ogadenya ayaa waxaa jaaliyada uga qaybgashay

1- Hooyo Haweeya Xirsi Mahad

Dhinaca siyaasiyiinta waxaa goobjoog ka ahaa;

1- Mahamed Ahmed Daahir
2- Hodan Abdullahi Duale

Sidoo kale waxaa iyagu goobtaas joogey xubno ka socda Ururka Dhinaca dhalinyarada Ogadenya oo ay ka mid ahaayeen;

1- Abdi Bashiir
2- Amran Daahir
3- Carab Mohamed

Xogwaran qoda dheer oo ay is dhafsadeen Congressman Donald Payne iyo cuqaasha ree Ogadenya ayaa waxay labada dhinacba isla qireen dhibaatada baaxada leh ee haysata shacabka Ogadenya ee ku dhaqan Ogadenia inuu asal uyahay gumaysiga Ethiopia, daganaansha laanta Geeska Afrikana inaan xal loo helaynin ilaa xal loo helo qadiyada Ogadenya.

Mar uu Donald Payne wax ka tilmaamayay socdaalkiisii Geeska Afrika uu kusoo maray gaar ahaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee ku yaala waqooyi Bari Kenya ayaa wuxuu mudane Payne yidhi “waxaan xeryaha qaxootiga kula soo kulmay dad farabadan oo ka soo barakacay Ogadenya kadib markay ciidamada Ethiopia gumaadeen, dhibaato noockasta isugu jirta ayaa dadkan ka muuqatay balse illaa eegadan aan idinla hadlayo waxaan xusuustaa oo qalbigayga ka gu'i la oohintii gabdhihii yaryaraa ee ree Ogadenya ee aan kula soo kulmay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, Kenya oo ay faraxumeeyeen ciidamada Ethiopia”

Dhinaca kale mar uu wax ka iftiimiyay heerka ay qadhiyada Ogadenya marayso iyo sida ay calamku ula socdaan ayaa wuxuu mudanuhu yidhi “Qadiyada Ogadenya maanta way soo dhaaftay markii uu caalamku iska indha tiri jiray, waxayna maanta hortaalaa bulsha waynta caalamka, ayadoo lagu khasbanyahay in xal loo helo Ogadenya hadii kale in Geeska Afrika nabad waarta laga gaadho ayaa noqondoonta riyo aan waxba ka jiridoonin”

Talooyin badan oo uu mudanuhu u soo jeediyay jaaliyada ayaa waxaa laga xusi karaa inuu yidhi “Qadiyadiinu maanta idinka ayay magan idiintahay, hadba sida aad ugu talisaan unbayna noqon, hadaba taladayda ugu danbaysa waxay tahay marna ha ka cajisina inaad dadaalkiina sii wadaan illaa aad ka hananaysaan macaanka midhaha xoriyada oo aan hubo inuusan jirin shakhsi reer Ogadenya ah oo wali nasiib u yeeshay xoriyad” wuxuu intaas raaciyay mudanuhu sida ay uga go'antahay garabistaagida dulmanayaasha ree Ogadenya inta uu xaqoodu dhacanyahay ayaguna ayna qadiyadooda marin habaabinaynin.

Ugudanbayntii waxaa xusid mudan inay jaaliyada Ogadenya Mudane Donald Payne gudoonsiisay hadiyad, ayadoo ay jaaliyadu uga mahad celinayso dadalka dheeriga ah ee uu mudanuhu galiyay qadiyada ogadenya iyo sida uu had iyo jeer ugu heelanyahay inuusan indhaha ka laabanain markasta oo ay xafiiskiisa soo gaadho dhibaatada shacabka Ogadenya, hadiyadan ayaa waxaa mudnaha si maamuus ahaana u gudoonsiiyay Caaqil Maxamuud Cunshur.

Maxamed Darbawayne,

Radio Xoriyo,
Minneapolis, MN.

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.