|
Feb 24,
2008 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada
Dhagaxbuur ayaa sheegaya in bishan Feb 21 uu
dagaal adag dhexmarey koox Dabaqoodhi ah oo
lagu Ururriyey Mishinka Magaalada Dhagaxbuur
iyo Ciidamo ka mid ah kuwa Wayaanaha oo
magaalada dhexmarayey. Dagaalkan ayaa
Wayaanaha waxaa lagaga diley 3 askari midna
waa laga dhaawacey, kuwa Dabaqoodhigana
waxaa ka dhintey 1 askari, labana waa laga
dhaawacey.
Dagaalkan ayaa dhacey kadib markii ay labada
kooxood kala shakiyeen, iyaga oo ka cabsi
qaba xoogaga Jabhada ONLF.
Magaalada Dhagaxbuur ayaa waxaa habeen ka
howlgala Ciidaanka waayanaha ah iyo kuwa
calooshooda u shaqeeystayaasha ah (Dabaqoodhi)
kuwaasi oo suga amaankooda oo kali ah, waayo
dadka shacabka ah uma timaado dhibaato aaan
iyaga ahayn.
--Ogaden Online News |