|
|
|
|
|
Itoobiya iyo
Cuba oo samaytay taallo lagu xusayo ragii kaga dhintay
dagaalkii 1977 kii |
Dec 21,
2007 Wadanka Cuba iyo Itoobiya ayaa
shalay waxa ay wada qabteen munaasabad lagu
xusayo askartii kaga wada dhimatay dagaalkii
Ogaden war.
Magaalada Addis Ababa oo taallo looga
sameeyay askartii dagaalka kaga dhimtay ayaa
waxaa xadhigga kajary Madaxwayne kuxigeenka
Wadanka Cupa,taas oo uu kusheegay in ay
astaan utahay taariikhda iskaashi ee Labada
Wadan.
Dhanka Itoobiya ayaa waxa ay iygu sheegeen
in taaladan lagu xasuusan doono geesiyaddii
ku nafwaayay dagaalkii gardarada ahaa ee
Soomaaliya kusoo qaaday wadankooda waa sida
ay hadalka udhigeene,waxa ayna intaas
raaciyeen in ay casharro lama ilaawaan ah
udhigeen dawladdii Soomaliya.
Munaasabaddan iyo taaladan ayaa waxa ay ku
soo beegmeen xili uu dhamaan wadankii
Soomaaliya Gacanta ugu jiro Itoobiya,oo uu
gumaadkii ugu ba'naa ka dhacayo magaalo
madaxdii wadanka ee Miqdisho,taasoo loo
fashilan karo in munaasabadan macneheedu
yahay ( hadii Soomaliya 1977 kii ay
Soomaaliya Qabsatay dhul badan oo Itoobiya
ah,anna maanta waxaan haystaa wadankii oo
dhan.
--Ogaden
Online News
|
|
|
|
|