Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Odayaal badan oo laga soo aruuriyey Miyiga Gobolka Dhagxbuur oo xabsiga la dhigey

July 21, 2008  War naga soo gaadhey Gobolka Dhagaxbuur aya sheegaya in tobaadkan Gobolka Dhagaxbuur la isagu keenay Odeyaal tiradoodu gaadheyso 700 oo Odey, kuwaas oo ah Odeyada Xoola dhaqatada ah ee dega Miyiga ama Baadiyaha.

Odayaashan oo ah kuwo si gaar ah loo calaamadsadey ayaa waxaa shir ugu qabtey Magaalada Dhagaxbuur Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan Cabdi Iley iyo Daa'uud Axmaar oo ka mid ah Maamul ku sheega Magaalada Jigjiga.

Sida warku sheegayo waxaa xabsiga la dhigey Odeyaal badan oo ka mid ah Odeyaashaas xoolo dhaqatada ah, ilaa hadana waxaa socda xiritaanka Odayaashaas. Qaar ka mid ah Odeyaashaas ayaa loo dhaadhiciyey xabsiyada Magaalada Jigjiga.

Odayaashan dega dhula Miyiga ah ee xooladhaqatada ah ayey saraakiisha Ciidamada Tigrea-gu ku eedeynayaan in ay taageeraan Xoogaga ONLF.

Balse, Wariyaheena Gobolka Dhagaxbuur ayaa arintan ku sheegay in ay ka mid tahay xasuuqa joogtada ah ee ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan Ogadeniya, isagoo intaas ku darey in la soo aruuriyey Odayaasha sida ay u kala xoolo badnaayeen, taas oo ay dawlada Itoobiya dooneyso in ay ku gumaado ama ku curyaamiso xoolo dhaqatada Ogadeniya

Dhinaca kale, warar naxdin leh oo iyaganua naga oo gaadhaya Gobolka Dhagaxbuur ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya  duleedka Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo aan ilaa hada la helin cid aqoonsata, Wiilkan dhalinyarada ah ayey Ciidamada Itoobiya ka soo kaxeysteen Tuulo ka mid ah Degmada Awaare oo aanaan magaceeda helin. Hadaba Wiilkan ayaa inta lugaha iyo Gacmaha laga gooyey isaga oo nool kadibna god yar ku rideen oo uu ku naf baxay. Meydka Wiilkaas ayaa ilaa hada yaala meeshii la dhigey. Inta badan Ciidamada Itoobiya ayaa Meydadka soo wadha jidadka iyo suuqyada magaalada si qofkii garta ama damca in uu aaso loo dilo ama loo xidho.

Sidoo kale dhulka lagu magacaabo Hara Hawd oo qiyaastii 85Km koonfur ka xigta Magaalada Dhagaxbuur ayey Ciidamada Itoobiya ku gawraceen 5 nin oo shacab ah, nimkaas ayaa ahaa dad xoolo dhaqato ah.

La soco wixii ka soo kordha wararkan...


--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.