Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Magaalada Jigjiga oo xalay 7 wiil oo Ardey ah guryahooda lagala baxay

Jan 21, 2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay 7:00PM fiidnimo ee sacada Jigjiga guryahooda lagala baxay 7 Wiil oo Ardey.

Magacayadan wiilashana oo aan dhameystireyn ayaa waxa naga soo gaadhey 4 ka mid ah oo kala ah;

  1. Daarood Ismaaciil

  2. Maxamuud

  3. Cabdi Casiis

  4. Cabdi Madoobe Yuusuf

Sida warku sheegayo Cabdi Madoobe Yuusuf ayaa la soo daayey kadib markii laga qaatey waraaqaha aqoonsiga.

Magaalada Jigjiga ayey Ciidamada Itoobiya ka wadaan hawlgalo ka dhan ah dadka shacabka ah, iyagoo oo maalmahan ay magaaladaas ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo ka mid ah Xukumada Itoobiya

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.