|
|
|
|
|
Warbixintii
New York Times (NYT) oo gilgishay Qaramada Midoobay |
Dec 20,
2007 Afhayeenka
xoghayaha guud ee QM haweeneeyda lagu
magacaabo Michèle Montas ayaa ka hadashay
warbixintii NYT uu ka qoray in itoobiya ku
qasabto shicibka iyo shaqaalaha heeyadaha
caalamiga u shaqeeya ee jooga Ogaadeenya in
eey la dagaalamaan jabhada. Hawaaneeyda oo
qabatay maalintii shalay ahayd shir
saxaafadeedkeedii maalinlaha ahaa ayaa ku
celcelisay in Shaqaalaha QM hadii eey yihiin
kuwa heeyadaha caalamiga ah iyo shaqaalaha
gudaha Ogaadeenya laga qoray dhamaantood
aanay wax shaqo ah ku lahayn in aay dagaal
galaan.
Ka sakoow in aanan weli helin cadeeymo ah in
shaqaalaha QM la dagaal galiyo, ayaa hadana
waxaa marag ma doonta ah in saraakiishayadu
xaqiijiyeen in la la yahay shaqaalo badan oo
ka shaqeeynayay isbitaalo iyo xarumo kale oo
caafimaad ayaay Afhayeentu hadalkeeda sii
raacisay.
Joogitaanka heeyadaha QM ee aaga ciidamada
cadawga ayaa ah mid bilaabatay bishii
November ee sanadkan taas oo ka dhigeeysa in
QM wali aayan helin macluumaadkii eey u
baahnaayeen. “ Ma ogin in dhacdooyinkani
jiraan iyo sidoo kale ilaa iyo goorma ayeey
dhacayeen ayeey Afhayeenadu tiri, iyadoo sii
raacisay; hadii la xaqiijiyo in shaqaalaha
caafimaadka lagu qasbo dagaal, waxey tani
baabi’inaysaa aasaaskii hoowlaha gargaarka .
Joogitaankayagu markii uu ka biloowday
Ogaadeenya, waxeynu is la markiiba xooga
saarnay sidii eeynu isha ugu heeyn lahayn
halka aay maraan kaalmada eey bixiyaan
heeyadaha caalamiga ah waxeynu codsanaynaa
in la kordhiyo tirada heeyadaha samafalka si
loo hormariyo gargaarka aay shicibku u
baahan yihiin ayey tiri Michèle Montas,
iyadoo hadalkeeda sii raacisay in 19
heeyadood oo aan dowli ahayn waqtigan ka
howl galaan Ogaadeenya tiro intaa ka badana
aay sugayaan. Hadii dadaal intaa ka badan
lagama maarmaan uu noqdo, waxeynu ku tala
jirnaa in eeynu kordhino tirade
shaqaalahayaga si markaa loo badbaadiyo
nolosha rayidka xanuunkoodana loo yareeyo
ayeey hadalkeedii ku soo gaba gabeysan.
Si walbaba ha ahaatee, hadalheeynta ah in
shicibka iyo shaqaalaha caadiga ahba lagu
qasbo dagaal aayan shaqo ku lahayn ayaa ah
mid aay xaqiijiyeen diplomaasiyiinta reer
galbeedka ee itoobiya jooga iyo sidoo kale
qaar ka mid ah shaqaalihii dagaalada lagu
qasbay oo iyagu ka soo baxsaday gacanta
cadowga, warbaahinta reer galbeedkana si
weyn uga hadleen. Waqti aan sidaa u fogeena
warbaahinta caalmamka ayaa soo bandhigi
doonta cadeeymihii arintan.--Ogaden
Online News
|
|
|
|
|