Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

120 Maxbuus oo laga qaaday magaalada Fiiq
Aug 20, 2008 Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob gaar ahaan magaalada fiiq ayaa sheegaya in  taariikhdu markay ahayd Aug 18 magaalada Fiiq laga qaaday maxaabiis aad u tira badan.
Maxaabiistan oo naloogu sheegay tiradooda inay ahaayeen 120 ruux ayaa loo qaaday xaga magaalada Jigjiga.
Maxaabiistan ayaa u badan dad ay xidhxidheen Cabdi Ileey iyo Daauud Axmaar markay yimaadeen magaalada Fiiq.

Dhammaan magaalooyinka Ogaadeneiya ayaa lawada ciirciiraya maxaabiis aan waxba galabsan oo si xaq darro ah uugu xidhxidhaan gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka.
xidhxidhka ayaa waayadan u badan magaalooyinka Fiiq, Goday iyo Jigjiga.

Lama garanayo waxa loogu talin doono dadkan loo qaaday Jigjiga, balse waxaa larumaysan yahay in lagu daridoono kumanaanka ruux ee ku jiray jeelasha magaalada Jigjiga oo markay jeelashii dadka qaadi waayeen meelo aan Jeel ahayn lagu xidho dadka.

Dhinca kale, warar iyaguna naga soo gaadhay dhanka Gobolka Dhagaxbuur ayaa sheegay inay tigreegu odayaasha deegaanka u hanjabeen iyagoo amar ku siiyay inay keenaan ciidamo dabaqoodhi ah oo laga horgeeyo jabhadda.

Wayaanaha ayaa dabeecad u yeeshay mar walba oo ciidamadiisu u babacdhigi waayaan kuwa Jabhadda inuu odayaal soo qasbo si ay ciidamo uga keenan belaha ay matalaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ilaa iyo hada uuna waxba u suurta galin odayaasha oo badhkood isku dayay inay helaan dhalin yaro lahubeeyo.

--Ogaden Online News
 
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.