|
Jan 20,
2008 Waxaa 19 Jan 2008 ka dhacay shir
magaalada Toronto ee dalka Canada shirkas oo
ay isugu yimaadeen dhamaan dumarka ku nool
Toronto iyo nawaaxigeeda shirkan oo ahaa mid
si aad ah looga
soo qabgalay ayaa waxaa ay ujeedadiisu ahayd
sidii loo sii xoojinlahaa loona garab
istaagilahaa halganka ay umadda ree Ogadenia
ugu jirto aayokatashigeeda ee ay JWXO
hogaamineeso,shirkan oo ugu horeeyntiiba
ku furmay muxaadaro diini ah oo uu u soo
jediyay Sheekh Abdiqani halkaas oo sheekhu
uu sicad ugu cadeeyay in Alle laga cabsado
iyo muhiimadda ayledahay wadajirku .
Sidookale waxaa asaguna warbixin aad u qiimo
badan oo meelo badan taabaneesa ka jeediyay
Dr Abdiraxmaan Yusuf iyada oo ay kamid
ahaayeen Sida loo xidhay xuduudaha Buuhoodle
dagalada ka socda gobalka doolo ,ceelasha
iyo meelaha biyuhu ku jiraan oo dadka loo
diiday cuntada, sida aywali u xayiranyihiin
wariyayaasha iyo Aduunkuba in ay Ogadenia si
xor ah ugu adeegaan . Sidookale waxuu
kawaramay in uu xidhiidh lasameeyay
wasaradda arimaha dibadda ee Canada oo
usoogudbisay fariin ku aadan jaliyadda ree
Ogadenia taas oo ay ugu digayaan Ogaden
Canadian ka u socdaalaaya Ogadenia ,ayaga oo
ka codsaday in ruxii baxaaya uu lasocodsiiyo
Jaliyadda si hadii ay wax ku dhacaan loogu
gurmado.
Kadibna waxaaayaguna hadalo qiiraleh ka
jeediyay iyo waliba sidii loo garab istaagi
lahaa JWXO fadumo Xassan bidde,Cibaado xaaji
Abdi Daahir, Xaawo khalif oo kamid ahaa
hooyooyinkii iyo gabdhihii ka hadlay
goobtaas shirkan oo runtii ahaa mid gaar u
ahaa haweenka ree Ogadenia ayaa waxaa lagu
tilmaami karaa mid ay ka muqatay xamaasad
,dareen aad u sareeya iyo sida ay uga
xunyihiin dhibaatoyinka naxriis darada ah ee
gumeesigu ku hayo dadkooda, sidookale waxaa
kamid ahaa waxyabihii ugu xiisaha badnaa ee
ka dhashay kulankan in ay kudarsadeen
qorshaha 2008 ka sidii looga hirgalinlahaa
urur ka haweenka ee Ogadenia wadankan Canada
--Ogaden Online News
|