|
March
18, 2008 Xaflad ay si weyn u soo qaban
qaabisay Xarunta Waxbarashada Qoxootiga
Ogadeniya ayaa waxa lagu qabtay magalada
Nairobi ee dalkaan Kenya, iyadoo ay kasoo
qeyb galeeyn dad badan oo kasoo jeedo
gobolka Ogadeniya. Iyadoo lagu sameynayay
taburacaad dhaqaalo ayaa loogu aruurinayay
dadka Qaxootiga ee ku jiro xeryaha wadankani
Kenya iyo kuwa kale oo ku yaala wadamo ka
tirsan Geeska Afrika.
Waxaana
halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka
waxbarashada Qoxootiga reer Ogadeniya
Maxamuud Maxamed xikam oo si weyn uga
waramay dhibaatada haysata dadka ogadeniya
ee ku jira xeryaha qoxootiga ee ku yaala
wadanka Kenya gaar ahaan gobolka ay ka dagto
somaalida kuwaas oo ay ka mid yihiin xeryaha
IFO, Xagar dheer ,Dhabaab, iyo kuwo kale oo
ku yaala halkaasi. Isaga oo ka hadlaayey mar
uu ku tagay halkaasi safar ayuu waxaa ku soo
bandhigay xafladaasi Flim ay ka muuqato
dhibaatada haysta dadkaasi oo isla
xafladaasi gudaheeda lagu daawaday.
Mar aan wax ka way diinay dhibaatooyinka
sida gaarka oga jira halkaasi ee haysta
dadkaasi ayuu ku jawaabay Mr xikam ‘’ dadka
dhibatooyinka haysta waxa ka mid ah iyagoo
kasoo qaxay dhulkoodi isla markaane ku jira
iminka xeryo aysan ku haysan nolol kaafi ah
iyo sidoo kale wax barasho’’ ayuu yiri xikam
oo ku daray ‘’ dadka waxa ay u baahan yihiin
in wax la baro sidoo kalane noloshooda kor
loo soo qaado’’.
Waxaa kaloo
Film documentary ah uu ka hadlayay xaaladaha
qalafsan ee ku nool yihiin dadka reer Ogaden
ee kasoo qaxay Ogadeniya, waxa dadkii
daawanayay ka muuqatay Calool yaw iyo murugo
weyn.
Waxa lagu soo bandhigay Filmkaa ciyaal yar
yar oo gubtay, haweyn ay kufsadayn ciidamada
itoobiya, dad kasoo qaxay dhibaatada ay
ciidamada itoobiya ku hayaan shacabka daga
gobolka Ogadeniya.
Ugu danbeyntii ayaa dadkii halkaasi iskugu
yimid ayaa tabarucaad u sameyey walaalahooda
uguna deeqay qof walba wixii uu awooday.
Waxaa ka mid
ahaa shaqsiyaadkii halkaa ka hadalay dad ay
dhibaato kaga timid dhicaya Ciidamada
dowlada Ethiopia, kuwaa soo u badnaa Gabdho
la kufsaday.
Xafladan oo ay sida wada jirka ah u soo
qaban qaabiyeen Ururka waxbarashada
Qoxootiga reer Ogaden iyo Ururka xuquuqul
insaanka Ogaden ayaa waxay ku soo dhamaatay
si heersare ah, iaydoo uu sheegay Mr. Xikam
in ay sidoo kale qaban doonan shirar kale oo
lagu sameynayo tabarucaadyo loo sameynayo
dadkaasi u baahan in la gacan qabto.
Ibraahin
Maxmed Cali (Ibraahin yare), Nairobi, Kenya
Ogaden Online News |