|
Feb 18,
2008 Taariikhdu markay ahayd Feb 16,
2008 ayaa waxaa magaalada Stockholm ee
waddanka Swedden ka dhacay shir ballaaran oo
ay ka soo qayb galeen Ururrada xaq u dirirka
ee ka soo horjeeda xukuumada Itoobiya.
Shirkaas oo ay soo qabanqaabisay Jabhadda
OLF waxaa ka soo qayb galay Jabhadaha Ogaden
National Liberation Front (ONLF) , Sidamo
Liberation Front (SLF) iyo jabhadda Oromo
Libertion Front (OLF), waxaa kale oo
shirkaas ka soo qayb galay hayŽado aan dawli
ahayn oo isugu jira support groups iyo kuwo
u dooda xuquuqul insaankaba.
Waxaa shirkaas uga qayb galay jabhadda ONLF
Madaxa xafiiska Arimaha Dibedda ee JWXO
Mudane Ahmed Gurhan.
Mudanuhu wuxuu halkaas ka jeediyey khudbad
dheer oo taabanaysay meelo badan oo ku aadan
aragtida Jwxo ee marxaladda Geeska Afrika ku
sugan yahay.
Wuxuu Mudanuhu sheegay in xasuuqa uu Meles
ku hayo shacbiga Ogaadeenya lagala
xisaabtami doono goor aan dheerayn, wuxuu
Mudane Gurxan sheegay in JWXO isku tashatay
kuna tashatay shacbigeeda .
Dadweynihi aadka u badnaa ee ka soo qayb
galay waxay aad oogu riyaaqeen mawqifka JWXO
iyo sida ujeedada iyo MabaadiiŽdiisu u cad
yihiin.
Kulankaas oo mustawihiisu aad u sarreeyey
waxaa mudane Gurxan ku weheliyey shirkaas
wafdi ballaaran oo isugu jira masuuliyiinta
jaaliyadda Swedden oo kala ah Guddoomiyaha
jaaliyadda Mustaf Xasan, u qaabilsanaha
arrimaha dibedda ee waddanka Swedden Mudane
C/nasir Maxamed Garweyne iyo mudane
Muxyiddiin Cali Xaydar, waxaa kale oo
wefdiga weheliyey Guddoomiyaha jaaliyadda
Finland Mudane Xasan Kamaal iyo Madaxa
hoggaanka dhaqaalaha ee yurub Mudane
Cabdulaahi Caa.
Shirkaas oo u dhacay si qorshaysan waxay
dhamaan masuuliyiinti ka hadlay goobtaas oo
isagu jira kuwo mucaaradka ah iyo kuwo aan
dawliga ahayn isla meel dhigeen in xukuumad
Meles ay tahay midda khalkhalka iyo
deggenaansho laŽaanta ka waddo Geeska Afrika.
Ugu dambayntii waxaa la isla meel dhigay in
geed dheer iyo ku gaabanba loo fuulo sidi
loo fashilin lahaa khayaanooyinka iyo
siyaasadda gurracan ee Meles Zenawi ayadoo
urur waliba gudanayo waajibkiisa.
--Ogaden Online News |