Dec 17,
2007 Wariyaha Ogaden Online ee wadanka
Sweden ayaa sheegaya in shir sanadeedkii
Xubnaha JWXO ee wadanka Sweden lagu
qabtey Magaalada Västarås ee wadanka
Sweden maalintii sabtida ee Dec 15, 2007.
Shirkan
oo sanadle ah ayaa waxaa isugu yimid dhamaan
xubnaha JWXO iyo taageerayaashooda degen
wadanka Sweden. Shirkan oo ay ujeedadiisu
ugu weyni aheyd sidi ay u kala war qaadan
lahaa, looguna xisaabtami lahaa waxyaabihii
qabsoomay ama qabsoomi waayay iyo dhamaan
fikrado iyo doodo macquul ah oo ku saabsan
xaalada ka taagan Ogadeniya iyo qaabkii lagu
hor marin lahaa halganka aayokatashiga ee ay
JWXO hormuudka u tahay.
Waxaa shirka furay Xoghayaha Guud ee Unugta
isagoo halkaasi ka jeediyay qudbad aad u
kooban oo isagu jirta soo dhaweyn iyo qaabka
shirku u socon doono.
Kadib waxaa si
toos ah u bilowday shiriikii iyadoo war
bixin dheer uu kasoo jeediyay Gudoomiyaha
Unugta oo ka hadlay wax qabadkii ay unugta
mudadii ay shaqeyneysay isagoo carabka ku
dhuftay in sanadkan ay Unugtu aheyd sanadkii
ugu fiicnaa marka loo fiiriyo sanadadi hore,
isla markaasna ay sameeyeen horumor aad u
weyn dhanka abaabulka bulshada. Waxaa sidoo
kale qudbad ka jeediyay Wakiilka JWXO ee
Sweden isagoo ka hadlay siyaasada iyo
xaaladaha guud iyo waliba xiriirka wacan ee
ka dhaxeeya Unugta iyo maamulka sare.
Shirkan
ayaa waxaa Khadka taleefoonka warbixin kaga
soo jeediyey Gudoomiyaha Xigeenka 2aad ee
JWXO, Mudane Cadaani Hirmooge iyo Taliye ka
mid ah Taliyayaasha qaybaha Ciidmada qalabka
sida ee JWXO aah Gabadh da'yar, kuwaaas oo
ka warbixiyey xaalada Ogadeniya iyo
dhacdooyiinkii ugu dambyeeyey.
Mas'uuliyintan ayaa dadkii dhegaysanayey
kula dar-daarmey in ay iska ilaaliyaan dabin
daabyada ay la damacsan yihiin Wayaanuhu,
isla markaasna ay muujiyaan sabir iyo dadaal
dheeraad ah.

Dhinaca
kale, waxaa shirkan goob joog ka ahaa
Aqoon yahano, Odayaal ,Dumar iyo Gabdho aad
u qiiraysan oo iyagana halkaasi ka soo
jeediyay qudbado aad u xiiso badan iyagoo
mararka qaar la arkayay dad wajigoodu is
badalay iyo waliba kuwo ay ilmada ka joogsan
la dahay.

--Ogaden
Online News |