|
Feb 16,
2008 Wakiilka JWXO ee Yurub Mudane Axmed
Gurxan ayaa shalay Feb 15, 2008 la kulmey
madax ka socota Baarlamaanka wadanka Sweden.
Mudanayaasha ka socda Baarlamaanka Sweden
ayaa kala ahaa Ms. Nina Frodin oo ka mid ah
Xisbiga Moderate-ka oo ka mid ah asxaabta
talada wadanka haysa, Marwo Bodil Ceballos
iyo Mudane Hakan Sundberg oo iyaguna ka
tirsan xsibiga Green Party oo ka mid ah
Xisbiyada Mucaaradka.
Kulankan ayaa waxaa lagu falanqeeyey
marxalada Geeska Afrika iyo tacadiyada ay
xukumada Itoobiya ku hayso shucuubta ku
dhaqan Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa ay
gumeysato.
Mudane Gurxan wuxuu ka codsadey xubnaha
Baarlamaanka in dawladda Sweden ka joojiso
caawimada ay siiso Itoobiya inta ay xukumada
Itoobiya wado xadgudubyada aan la koobi
karin ee ay ku hayso shucuubta dulman ee ay
ka mid yahay shacabka Ogadenia.
Sidoo kale, Mudane Gurxan waxa uu ka
codsadey in Baarlamaanka Yurub loo gudbiyo
codsigooda si loo dhageysto.
Kulankan ayaa waxaa iyaguna ka soo qayb
galay Wakiil ka socda Jabahada Oromada oo
isgauna halkaas ka soo jeediyey cabasho la
xidhiidha dhibaatooyinka lagu hayo qoomiyada
Oromada.
--Ogaden Online News |