Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Wolde Adwa oo Xaafadaha Jigjiga ku amrey in xaafad waliba qof iska soo doorato

Jan 16, 2008 Wakiilka dhinaca Siyaasada Itoobya u qaaabilsan Ogadeniya ee lagu magacaabo Wolde Adwa oo beryahan hawlgalo ka dhan ah shacabka Ogadeniya ka wadey Magaalada Jigjiga, ayaa xaafadaha Jigjiga ku amrey in ay xaafad waliba qof iska soo doorato ilaaliya nabadgelayada magaalada, gaar ahaana aaga uu qofkaasi degen yahay.

Wolde Adwa ayaa ku hanjabey in xaafadii aanan fulin amarkan laga qaadi doono talaabo, iyada oo qofkii amarkan diida laga qaadi doono lacag joogto ah bil kasta.

Falkan ayey dad badan oo magaalada Jigjiga degen u arkaan mid aanan taabo gali doonin, halka kuwo badanina hada ku baraarugeen in uu jiro gumeysi rasmi ah.

Dhinaca kale, cadaadis aad u badan ayey ciidamada gumeysiga Itoobiya ku hayaan shacabka magalaada Jigjiga iyaga oo habeenkii weydiiya waraaqo aqoonsi ah, hadii uusan qofku haysana inta la jidh dilo laga qaadayo lacag dhan dhan 10 riyaal, hadii uusan haysan lacag uu isku furtana xabisga loo taxaabayo.

Sida warku sheegayo shacabka magaalada Jigjiga ayaa aad uga gilgilaya falalkan guraxan ee ay xukumada Itoobiya kula kacayso.

Todobaadkii hore ayaa 930 qof oo ka mid dadka u shaqeeeya maamul ku sheega Kililka oo ku sugan magalaada Jigjiga waxaa laga joojiyey mushaarkii ay qaadan jireen, iyaga oo lagu eedeynayo in ay taageerayaal u yihiin Jabhada ONLF. Talaabadan shaqa joojinta ayaa la filayaa in ay ka dhaqan gasho dhamaan Gobolada Ogadeniya.
 

--Ogaden Online News

 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.