Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Shir ka dhacey magaalada  Fort McMurray ee Gobolka Alberta, Canada
July 14, 2008 Ururka Dhalinyarada Ogadeniya ee magaalada Fort McMurray, ee gobolka Alberta Canada ayaa taariikhdu markay ahayd July 12, 2008 shir ku qabtey Magaalada Fort McMurray. Shirka ayaa waxaa ujeeddooyinkiisa ka mid ahaa in lagu wacyi galiyo dhalinyarada reer Ogadeniya xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalkii, islamarkaana lagu boorri galiyo in ay dhalinyardu yeeshaan door cad oo wax qabad ah.

Waxaa shirkaa lagu casuumay Ururka Xuquuqul Insaanka ee Ogadeniya (OHRC) oo uu ka soo qabgalay Dr.Maxamud Ugas oo ka jeediyey 45 daqiiqo oo PowerPoint Presentation uu kaga hadlayey kheyraadka dalka, iyo sida dowladda Ethiopia ayna uga soo bixin waajibaadkeedii dasduuriga ahaa ee ku aaddanaa in ay ka sameyso horumarin gobolka Ogaden, taasoo marka la eego kheyraadka dabeeciga ah baaxaddiisa, iska dhaaf in ay Ethiopia wax ka qabatee, ay billowday in ay baabi’iso tobankii mashruuc ee dunidu rabtay in ay ka hirgaliso dalka, oo ay dheertahay dil, xasuuq, xadhig, dhac, kufsi, qafaalsho iyo waxyeello badan oo meel ka dhac ku ah xuquuqul insaanka.

Waxaa kale oo shirkaas ka soo qaybgalay ergooyin kale oo ka kala socday Magaalada Edmonton oo ay ka yimaaddeen Wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha bulshada Xuseen dhakal , Atlanta Georgia oo uu ka socday Axmed-yaasin Qaasim iyo Australia oo uu ka socday Aden Axmed Sh. Acabdulahi. Ergooyinkaas ayaa iyaguna dhankooda ka soo jediyey hadallo dhaxalgal ah.

Ugu danbeyntii waxaa shirkaas ka hadlay odayaasha magaalada Fort McMurray oo uu ugu horeeyo Maxamed Urur. Waxaa kale oo iyadana ka hadashay hooyada magaalada Xaliimo Xasan Gasle oo ka soo jeedisay buraanbur dadka oo dhan dhigooda kiciyey.

Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay go’aammo ay ka mid ahaayeen in dhalinyaradu guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay nool iyo moodba u hurraan dalkooda.

Waxa ugu danbayntii Sibuuxuda la isugu afgartay in canbaarayn loo soo jeediyo dawalda Tigreegu madaxda u yahay ee ka talisa Addis Ababa Falaalkii Naxadinta lahaa ee ay kula kacaday Dadkii Maxaabiistaha ee lagala baxay jeelka Magalada jig jiga ee la soo wadhay maydkooda jeelka hoortiisa Taas maxbiis Kalena lagu dhawacay jeelka

Gudoomiyaha Ururka dhaliyrada Ogadeniya ee Fort McMurray ayaa u mahadceliyey ka soo qaybgalayaasha shirka, waxaana shirka daadihnayey Maxamed Mahdi

--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.