Khilaafkii
Lugbuur,Daaduud iyo Ileey oo meeshii ugu
xumayd maraya.
Aug 13, 2008 Ismariwaagii u dhaxeeyey
wakiilada Gumaysiga Itoobiya ee Ogadenya
kuwooda ugu sar-sareeya ayaa maraya meeshii
ugu khadhaadhayd.
Shir ay isugu yimaadeen xubnaha xisbiga(20)
oo ay kala hogaaminayeen sadexda dabaqoodhi
ee ugu waaweyn(Lugbuur,Daaduud,Ileey) ayuu u
xaqiijiyey wariyaheena magaalada Jigjiga mid
kamid ah xubnaha xisbiga oo uu la kulmay in
shirkaas ay isku afdhaafeen isna caayeen
sadexdaas nin.
Kadib Lugbuur ayaa shirka ka saaray
Daauud,kadibna Daauud ayaa sixun u
aflagaadeeyey Lugbuur,Axmed Sheikh oo kamid
ahaa xubnihii fadhiyey Shirka lana jeel ahaa
Lugbuur ayaa isna cay iyo aflagaado iskugu
daray Daauud kadib markuu caayey Lugbuur,C/Fataax
Sheekh C/laahi yare oo ahaa Gudoomiyaha
xisbiga ayaa isagu haatan raacay dhanka
Lugbuur ¨
Khilaafkan ayaa sii xoogaystay kadib markay
yimaadeen magaalada Jigjiga usbuucyo kahor
wasiirka arimaha dibada Siyuun Musfin iyo
MR.Ligaze si ay isbadal ugu sameeyaan
wakiiladooda,hasa ahaatee waxaa xiligaa
Jigjiga ka maqnaa Daauud iyo Ileey oo jiray
dhanka magalaada Fiiq oo ay dad badan kusoo
xidhxidheen, diyaaradii Helicopter ka ahayd
ee soo qaadi lahaydna waxaa xanibay Lugbuur
inta ay ka noqonayeen masuuliyiintaas
Wayaanaha.
ismarinwaagan ka dhaxeeya wakiilada
gumaysiga itoobiya ayaa lagu tilmaamey
midkii ugu adkaa ee soomara iyagoo dhammaan
xubnaha xisbiga oo ka kooban 20 looga
yeedhay Shalayto magaalada
Addis-Ababa....... Warna waa weli ee
akhristoow kala soco Ogaden Online wixii
kasoo kordha arimahaas .
--Ogaden Online News
Warbixintii
Socdaalkii Shaqo ee wariyaha Ogaden Online
Ku tagay Magaalada Baabili
Aug 13, 2008 Waxaaan booqosho gaaban
ku gaadhay magaalada Baabili ee Ogadenya
intii aan sii socday ama joogay waxyaabaha
aan la kulmay waxaa kamid ahaa:
In Keelaaga ama Kaaraamardha ay
ciidamada gumaysigu ku dhacayeen dhamaaan
waxii alaab ah ee ay wateen shacabku oo inta
aan jooogay waxaa laga qaatay Haweeneey [dhawr
iyo toban]buste oo ahaa kuwa suufka
lagasameeyay , habayaratee lama ogolayn in
wax bac kujira ladhaafiyo Keelaaga ilaa la
baaadho.
Markii aan gaadhay magaalada Baabili waxaan
kula kulmay dad badan oo ka kala yimid meelo
kala duwan, kuwaas oo qaarkood xoolo keeenay
magaalada, waxay dadkaasi ii warameen in
inta ay dhexda soo socdeen ay la kulmahayeen
dad lagawracay oo meelo cidla ah lasoo
dhigay tiro aad u badan ayaan naloo sheegay
bay dheheeen in maalin kasta gumaysiga
wayaanuhu gawraco .
Dhanka iyo gudaha magaalada Baabili waxa ay
aad cabasho uga muujinhayeen shacabku
waxyaabaha hadda sida horta leh loogula
kacay sida: shirar [gamgamo] joogto ah xataa
saylada dhexdeeda ayaa waxay cidanku ku
shiriyaan shacabka keensada xoolaha oo ay
caga juglayn, baqdin galin kula kacaaan
iyaga oo u sheegay "in magaalada Baabili
hada kahor hoosba loo dayi jirin laakiin ay
jiraan wakiilo JWXO u jooga halkan oo
uruuriya lacagta lana ogayn, kuwaas oo isugu
jira Dillaalliin, Ganacsato iyo shacabka
caadiga ahba" .
Tankale waxa ay dheheen dhamaan xoolaha la
soo safriyo waxaa iska leh ama loo soo
safriyaa JWXO saas darteed waxa ay
maxbuusaan xoolaha nool, waxaana xiligan
xaadirka ah maxbuus u ahaa oo xeryaha uga
buuxay Geel dhan[60] neef oo xidhan
inkabadan hal[1]bill waxaana isku lahaa
Geelaas Gabadh lagu magacaabo Faadumo
Heebaan iyo Ismaaciil nin layidhaahdo oo
labadooduba u dhashay Ogadenya walina waxay
joogtay Faadumo magaalada Baabili waxayna
sheegtay in ayna war kahaynin xoolihii inay
dhanyihiin iyo in kale oo aan waliba muuqan
wax rajjo ah.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay sidan
sameeyaan ee waxay kal hore xidheen xoolo
fara badan oo ay markii dambana iibsadeen
siday iigu warameen shacabka magaalada
Baabili ee Ogadenya .
--Ogaden Online
Qiso naxdin leh oo
ka dhacday xabsiga Jeel Ogaadeen ee Jigjiga.
Aug 13, 2008
Waxaa xabsiga
wayn ee Jeel ogaadeen lagu qashay Wiilyar oo
xabsiga ku dhex dhashay ayna dhashay gabadh
u dhalatay Ogadenya oo layidhaahdo Sawdo
Xeef kana mid ah gabdhaha ku xidhan
xabsigaa Jeel Ogaadeen.
Ilmahaas oo Wiil ahaa jirayna labo bilood oo
kaliya ayaa waxaa qalatay naag xabashiyad ah
oo markii horaba loosoo xidhay ilmo ay
qalatay kadibna ay iskumeel ku xidhnaayeen
iyada iyo Sowdo Xeef iyo gabadh Oromo
ah.
Hooyadii wiilka Sowda Xeef mar ay ubaxday
Musquusha ayay xabashiyadii inta ay qabatay
wiilkii afka iyo madaxa kaladhacday dhagax
dhiigiina ka nuugtay, calooshana katuntay
kadib muddo waxaa arangti iyo dhawaaq
iskudartay gabadh Oromo ahayd oo laxidhnayd.
Ilmahaas yar xaalkiisu isaga oo halis yahay
dabadana dhiig kawada ayay geeyeen
Isbitaalka magaalada..
--Ogaden Online News |