Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Ontario, Canada oo shir isagu timid
July 13, 2008 Shir  lagu qabtay hoolka weyn ee Lawrence Heights ee magaaladda Toronto tariikhdu markay ahayd July 12, 2008  ayaa waxaa ka soo qaybgalay Jaaliyadda Ontario ee dalka Canada. Shirkaas waxaa Warbixin ka soo jeediyey Dr. Abdiraxman Yusuf wuxuuna si guud ooga warbixiyay xaaladda uu maraayo halganka Ogaadeeniya iyo dhibaatada uu gumeysiga Itoobiya u geeystaan dadka  iyo dalkaba wuxuu kaloo ka warbixiyey socdaal uu ku soo maray dalalka carabta sida wadamada Qatar, Kuwait , Syria iyo Masar.

Sidoo kale Waxaa gubaabo iyo talooyin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hogaanka Jaaliyaddaha  Mudane maxamed macalin isagoo si tafatiran uga hadlay jaaliyaddaha halka ay halganka kaga jiraan , iyo inay muhiim tahay inay jaaliyad walba door fiican ka gaystaan halganka. Dadweynihii ka soo qaybgalay shirkaas ayaa balan ku qaaday in ay si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan JWXO iyo halganka ay ka wado gudaha ogaadeeniya.

Siddoo kale shir kaa lamid ah ayaa ka dhacay magaaladda  Ottawa,  Canada tariikhda markay ahayd  Bisha July 05, 2008 shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen jaaliyadda ogaadeenia  ee dagan magaalo madaxdda Cananada ee Ottawa waxaa shirkaasi lugu falanqeeyay dhibaatada uu guumaysiga ku hayo shacabka ogaadeenia iyo in ay muhiim tahay in ay jaaliyad walba ay kordhiyaan dadaalka ay ku jiraan, iyadoo jaaliyad walba ay masuul  ka tahay inay gaarsiin dalalka ay daganyahiin dhibaatada iyo gumaadka  joogtada ee lagu hayo shacabka ogadeenia

--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.